|

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminay oo ka qeybgalay xuska ururka Midowga Afrika

Addis Ababa May 24 2013 (SDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika iyo xafalada weyn ee loogu dabaal dagayo sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay Aasaaska Ururka Midowga Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa war fidiyeenka u sheegay in Madaxweyna uu ka qeybgalay xafalada lagu xusayo sanadguuradii 50aad ee Aasaaska Midowga Afrka.

SDN-Addis Ababa 

Comments are closed