Tahriibka: Aragti qeexaysa sababaha keena iyo qaabka loo daaweyn karo. (Q:1aad)
Tahriibka da’yartu waa aafo qaran, musiibo ummadeed iyo mushkilad caalami
Illaahay baa mahad dhamaanteed iska leh, naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Nebigeena dushiisa.
Beryahan danbe waxa si wayn u shaac baxay erayga “TAHRIIB” oo ka tarjumaya hayaanka is miidaaminta ku dhisan ee kalahaad, boqool, caraabe, guurayn iyo guulidba loogu jiro sidii loo beegsan lahaa in rarka lagu furo deegaanada barwaaqada ah (waa sida ay socotadaasi aaminsanyihiine) ee dalalka hore u marey ee Galbeedka.
Hadaba waa maxay tahriibku amaba tahriibintu:
Tahriibintu: waa in alaab la qarinayo lagu geliyo meel aan si sharci ah loo gelin Karin, sida tahriibinta/kootaraabaaninta maandooriyayaasha, hubka iwm.
Sidoo kale waxa uu noqon karaa mid lagu kootarabaaninayo dad la doonayo in sida alaabta loo geliyo meel aanay si sharci ah ku geli Karin.
Taas waxa la mid ah Tahriibka oo ah hayaan ama socdaal aan sharci ahayn oo si miidaamo ah la doonayo in lagu gaadho meel gaadhisteeda la filayo in uu qofku ka heli karo baahidiisa noocay doonto ha ahaatee.
Tahriibku waa dhibaato soo jireen ah oo heerar kala duwan soo marey, qaabab kala duwanna lahaan jirey.
Tahriibka dadku ama tahriibintoodu wax uu ka mid yahay falal denbiyeedyada qawaaniinta caalamku la dagaalanto lana mid ah falal denbiyeedyada tahriibinta maandooriyaasha iyo hubka
Sababaha keena:
Sababaha ugu badan ee tahriibka keenaa waa dhaqaale iyo nolol raadin, waxa ku soo xiga kuwa dhinaca nabadgelyada iyo amniga la xidhiidha, waxa kale oo dhici karta in loo tahriibo caafimaad raadin, cilmi raadin amaba in la soo guto waajib diini ah iwm
Tahriibka da’yarta Soomaaliyeed
inkastoo mushiladda tahriibku ay tahay dhibaato soo jireen ah, si wayna u soo shaac-baxday bilowgii sideetanaadkii qarnigii hore, oo taliskii hantiwadaaga ahaa uu culays dhinaca xorriyadda ah oo balaadhan saarey guud ahaan bulshada somaliyeed gaar ahaan, degaanka Somaliland oo ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqii SNM ee ay ku doonayeen inay xukunka kaga tuuraan xukuumadii keligeed taliska ahayd ee uu hormoodka ka ahaa G. Maxamed siyaad Bare, hadana waxa ay sanadahan danbe gaadhey heer halis ah oo ay aqoonyahankii iyo da’yartii ubaxa dalka ahayd si wadar ah uga baxayaan dalka.
Inta badan waxa la arki jirey in hadba meesha ay colaad cusubi ka aloosantahay ay dadka ka hayaamayaa ugu battaan tahriibayaasha, hase yeeshee waxa muuqata wakhtigan in tahriibkii muuqaal kale yeeshay oo maanta Somaliland oo ka mid ah deegaanada ugu nabdoon geeska Africa ay da’yarteedu yihiin kuwa ugu badan ee tahriibaya, taasi waxa keenaysaa inaynu is waydiino: maxaa sabab u ah tahriibkan?.
Jawaabta su’aashan waa laga yaabo in lagu kala duwanaado, hase yeeshee inta ugu muhiimsan ee aan is leeyahay dadka intiisa badani way isla fahmi karaan ayaan si guud u tilmaamayaa.
Sababaha tarhiibka dhalinyarada Somaliland
- Shaqo la’aan:sideed iyo tobankii sanno ee u danbeeyey Somaliland waxa ay ahayd goob xasiloon oo nabad gelyo ahaan degan, xaaladeeda nololeedna ma xumeyn, sidoo kale waxa jiray heerka waxbarashada kala duwan oo xawli ku socday inkastoo tayada waxbarasho aad loo tuhunsanyahay, arintan waxa ka dhalatey in ay soo qalin jebiyaan oo suuqa soo galaan kumanaan dhalinyaro ah oo dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka ka soo baxay, kuwaaasoo suuqa kala kulma shaqo la’aan, ku abuurta rajo xumo iyo niyad jab hor leh, iyagoo weliba isu arka inay yihiin dad waxbartay oo ay qasab tahay inay helaan shaqo ay daalkii iyo juhdigii wabarashada kaga nastaan, dhidid koodiina midhihiisa goostaan.
- Dhaqaale korodhsi: waxa laga yaabaa in la arko, qoysas dhaqaale ahaan fiican, dhibaato kale oo muuqataana aanay haysan, hadana ubadkoodii u diraya yurub iyagoo jid dheer oo dhib badan u badheedhaya kuna bixinaya kumanaan doolar. Tahriibka noocan ahi maaha mid baahi dhaqaale keentay ee waa mid ku salaysan ka kordhi iyo arimo kale oo la mid ah.
- Magac Raadin: waxa iyana dhici karta in loo tahriibo in laga helo magac iyo maamuus, waayo bulshadu waxa ay tixgelin dheeraad ah siisaa qof kasta oo ka soo laabta ama ku nool wadamada reer galbeedka, iyadoon qofnimadiisa iyo dadnimadiisa midna fiiro gaar ah siinin.
- Sharci Raadin: dadka qaarkooda waxa ay u tahriibaan inay wadama galbeedka passport ka qaataan, waxa qiima dhac wayni ku yimi shakhsiyadda qofka soomaaliga ah ee sita baasboorka dalkiisa, kaasoo aanay u suurogal ahayn inuu meelo badan oo aduunka ah ku booqdo. Arintani waxa ay caqabad ku tahay ganacsigii, waxbarashadii, caafimaadkii iyo wax kasta oo u baahan in socdaal iyo safar debedeed loo galo, sidaa awgeed ayey dadka in badan oo ka mid ahi ku andacoodaan inay u baahan yihiin sharci ay ku socsocdaan, ka dibna dariiqaa halista ah u maraan.
- Caafimaad Raadin: waxa iyana dhacda in qof la tahriibiyo amaba uu tahriibo si uu awood ugu yeesho inuu helo daryeel caafimaad oo tayo leh.
- Midaynta ehelladda: waxa tahriibka sabab u noqon kara dad ehel ah oo is raadsanaya sida wiil doonaya inuu waalidkii oo yurub uga horeeya u tago amaba lamaane is raadsanaya waxa lagu magacaabo (family union).
Sababahaasi waa arimaha ugu waaweyn ee keena tahriibka, waxa jiri kara oo iyana la tilmaamaa in ay sababaha ka mid tahay da’yarta oo aan helin doorkii ay siyaasada dalka ku lahaayeen, isku dayasho iyo duufsi aan ujeedo lahayn iwm.
La soco qaybta labaad:
1) Cidda ka qayb qaadata dhiirigelinta Tahriibka iyo fududeyntiisa.
2) Xalka musiibada Tahriibka.
Fadlan wixii talo iyo toosin ah ku soo dir E-malkan hoose:
Tahriib: Aragti qeexaysa sababaha tahriibka keena iyo qaabka loo daaweyn karo. (q:2aad)
Tahriibka da’yartu waa aafo qaran, musiibo ummadeed iyo mushkilad caalami ah-
W/Q: Abdulqani Hussein Mohamed
Yaa dhiiri-geliya ama fududeeya Tahriibka?
Waxa jira arimo isa soo taraya oo dhamaantood si wayn u dhiiri gelinaya tahriibka waxaana ka mid ah:
- Kooxo qawlaysato ah oo ka shaqeysta tahriibinta dadka, kuna bixiya lacag iyo wakhti badan siday da’yarta u duufsan lahaayeen, waa shabakado isku xidhan oo xafiisyo ku leh Somaliland, Ethiopia,Erateria, Sudan iyo Libya, warar xogogaal ah ayaa tibaaxaya in kooxanahi ay dhalinyarada ku qaadaan bilaasha ilaa laga gaadhayo dalka Suudaan amaba Liibiya, ka dibna inta ilmaha meel lagu xidho ayaa lala soo hadashiiyaa waalidkii loona sheegaa inuu daymaysanyahay, hadii lacagta degdeg loo soo diri waayana isaga la lacagayn doono oo xubnihiisa jidhka la iibin doono, weliba waxa lala hadashiiyaa hooyadii, si ay muusanow ugula dhex-dhacdo odaygii iyo ehelkii, kadibna wixii hanti la hayey baa la xaraashaa si naftiisa loo badbaadiyo, waxaana loo xawilaa lacag adag oo ugu yaraan dhan $3000, iyadoo aan markii hore loo ogolayn inay gacantiisa ku dhacdo $20.
- Shaqo la’aan baahsan iyo rajo xumo, aanay muuqan siyaasad cad oo dawladdu ku daweynayso, iyadoo weliba hal ku dhigyadii ololaha doorashada ee xisbul xaakimka kulmiye uu ka mid ahaa “Udub wuu tegayaaye ha tahriibin walaal”
- Hab dhaqanka bulshada ee dadka debeda ka soo laabta taasoo hiyi kac iyo hammi hayaan ku ridda dhalinyarada.
- Sharci la’aan :Ma jiraan sharciyo adag iyo awood fulineed oo wax ka qabanaysa ka ganacsiga tahriibka, iyo socodka aan sharciyeysneyn ee xuduudaha laga gudbayo.
- Xog la’aan dhibaatada tahriibka: dhalin yarada waxa si fiican looga iibiyey mashruuca tahriibka, manay helin xaqiiqada dhabta ah ee ka sokaysa yurub iyo weliba waxa yaala yurub, lama siin wacyi gelinku filan oo in uun yareyn lahayd heerka tahriibka ee cirka isku shareeray maalinba maalinta ka danbeysa.
- Qaadka: qaadku waa aafo qaran oo curyaamiyey dhaqaalihii, waxbarashadii, caafimaadkii iyo dadnimadii bulshada, waxa uu halis ku yahay amniga, dhaqanka iyo guud ahaan mustaqbalka qofka soomaaliga ah, waxa uu dilay hankii iyo isku kalsoonidii qofka soomaaliga ah, waana sababaha ugu muhiimsan ee dhiiri geliya amaba sababa is miidaaminta tahriibka.
- Warbaahinta: warbaahintu inkastoo ay marar badan ka hadasho halista tahriibka iyo dhacdooyin la xidhiidha hadana si aan toos ahayn ayey u dhiiri gelisaa tahriibka iyo jeclaysiinta dhulalka shisheeyaha, waxay muuqaalo soo jiidasho leh ka soo tebisaa dalal kale, kuwaasoo hadii si dhab ah loo eego aan sinaba u gaadhi Karin cimilada iyo quruxda dabiiciga ee dalkeena hooyo, arintani si wayn ayey uga qayb qaadata tahriibka.
- Tecnologyadda cusub:mobile, internet , face book iwm- waxay qayb wayn ka yihiin mushkiladda tahriibka waana barkulanka lagu kala qaato wararka tahriibka iyo xidhiidhka tahriibayaasha, iyo dhamaan waxyaalaha la xidhiidha.
Xalka musiibadan Tahriibka.
- Tayeynta waxbarashda–aqoonta dalka lagu dhigaa waxay u badan tahay mid soo saareysa shaqaale xafiis, iyadoo weliba aan lahayn tayo lagu kalsoonaan karo, dhinaca kale lama baro da’yarta siday shaqo u abuuri la’haayeen, isla markaana isku filaansho u hiigsan lahayeen.
- Wacyi gelin balaadhan:
- Dhinaca shaqada: waa in da’yarta laga dhaadhiciyaa inay shaqadu sharaf tahay noocay doonto ha ahaatee, sidoo kale leedahay barbilow hoose oo laga koro ee aan madaxa wax laga bilaabin.
- Halista tahriibka iyo dhibaatooyinka ku xeeran.
- Xaqiiqada taala galbeed,Yurub iyo Maraykan.
- Xukunka sharci ee isku miidaaminta halisaha tahriibka. Taasoo si cad u muujineysa xaaraanimada tahriibka marka la eego: Dariiqa iyo Ujeedada labadaba.
- Wadaniyadda: waa in da’yarta lagu tarbiyadeedaa qiimaha dalkooda, wanaagiisa iyo waajibaadka kala gudboon, waa in manaahijta waxbarasho lagu daraa arintan, iyo weliba halista baneynta dalka iyo ka haajiridiisa, lana ogsoonaadaa inuu jiro baro bixin iyo tahriib kooda ka soo horjeeda oo dalkan lagu degayaa.
- Shaqo abuur:maadaama dhibta ugu waynee laga cararayaa tahay shaqo la’aan, waa in la helaa siyaasad qaran oo arintan lagu daweynayo, shaqo mashquulisana loo abuuraa da’yarta waxbaratay, haday doonto ha ahaato shaqadaasi mid iskaa wax u qabso oo qasab ahe.
- Ganacsatada tahriibka: waa in talaabo sharci ah laga qaadaa qawlaysatada ka ganacsata tahriibinta, waana in ciqaab adag la mariyaa cid kasta oo faldenbiyeedkan lug ku leh.
- Xadeynta socodka dhalinyarada ka talaabista xuduudaha, iyadoo ugu yaraan loo sameynayo sharci hagaya safaradooda, sida:
- In waalidkooda laga helo ogolaansho.
- Inaanay safri Karin wakhtiyada qaarkood, sida wakhtiyada badanaa tahriibku furan yahay iyo wakhtiyada waxbarashadu socoto ee aan fasaxa ahayn iwm.
- In si gaar ah loo ilaaliyo hablaha yaryar ee aan waalidkood la soconin, waayo waa dad u nugul dhibta, si fududna loo dhibaatayn karo.
- Dawladaha jaarka: waa in la hirgeliyaa siyaasad wadashaqeyneed oo lala kaashanayo dawladaha jaarka laguna xadeynayo tahriibka.
- Xadeynta shaqaalaha ajnebiga ah: Waa in la xadeeyaa shaqaalaha dawladaha jaarka ka imanaya ee sharci darada ku imanaya kuna shaqaysanaya gaar ahaan kuwa Ethiopia, oo baro bixiyey shaqaalihii deegaanka ee wadaniga ahaa.
Ka akhri qaybta labaad:
- Yaa dhiiri-geliya ama fududeeya Tahriibka?
- Xalka mushkiladda tahriibka
Fadlan wixii talo iyo toosin ah ku soo dir emalkan: