|

Dr’s Edna Aadan Ismaaciil oo Si Xeel dheer uga Warantay Dhibaatada uu Haweenka ku hayo Xanuunka Isku furanku {DHAGAYSO}

Hargaysa 23.May (SDN)   Drs, Edna  Aadan Ismaaciil oo ah Maamulaha Cisbitaalka Edna Maternity Hospital  ee magaalada Hargeysa oo ayaa si Xeel dheer uga Warantay Dhibaatada uu haweenka ku hayo  xanuunka   isu furanku Gaar ahaan Xiliyada ay Hooyadu ku Jirto Foosha ,iyadoo Cadaysay in Cisbitaal ahaan ay Kharash la’aan wax ugu qabanayaan Haweenka Xaaladahaasi la soo Dersan .

Marwo Edna Aadan Waxay Hadalkan ka Jeedisay Xuska Caalamiga ah ee Cidhib tirka Isku Furanka oo lagu qabtay Maanta Magaalada Hargaysa, Drs Edna Aadan Waxay Dumarka ku Guubaabisay inaanay Qarsan Marka ay dhibaatada isku furranku la soo Gudboonaato,iyadoo taas badalkeedana Sheegtay inay Qoyska ka dhigto Mid Waaya Farxadii Nolosha ee ay ku naaloonayeen.

Waxa kale oo Ay Edna Aadan Ismaaciil, tilmaamtay in  xanuunkaasi  Fastuuluhu uu ka mid yahay  xanuunada   sida fudud loo daweyn karo,taas darteedna ay lagama maar-maan tahay in  haweenku marka ay dhibaatadaasi la soo deristo ay isbitaalada tagaan.

Waxa ay dhakhtaradu halkaas ku soo bandhigtay Warbixin dheer oo laga qoray Xanuunku Isku Furanka iyo Siyaabaha loo Xalin karo.

Gebagebadii xuskaas oo ay ka qaybgaleen saraakiil ka kala socotay wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada waxa  lagu soo bandhigay Riwaayad ka tarjumaysa  dhibaatada  uu leeyahay xanuunkaasi.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ednaadan(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed