|

Hargaysa oo laga xusay Cidhib tirka Xanuunka isku furanka Haweenka

Hargaysa 23.May (SDN) Xuska maalinta  Cidhibtirka  xanuunka  Fastuulaha  oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka kala socotay wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ayaa maanta  Lagu qabtay Huteel Imperial  ee magaalada Hargeysa.

Drs, Edna  Aadan Ismaaciil  maamulaha Isbitaalka Edna Maternity Hospital  ee magaalada Hargeysa oo xafladaasi ka hadashay ayaa waxa ay ku dheeraatay dhibaatada uu xanuunka   isu furanku ku hayo Haweenka . Waxaanay sheegtay in isbitaalkoodu uu  lacag la’aan  ku daaweeyo haweenka uu xanuunkaasi la soo derso.

Waxa kale oo Ay Edna Aadan Ismaaciil, tilmaamtay in  xanuunkaasi  Fastuuluhu uu ka mid yahay  xanuunada   sida fudud loo daweyn karo,taas darteedna ay lagama maar-maan tahay in  haweenku marka ay dhibaatadaasi la soo deristo ay isbitaalada tagaan. Iyada oo  sheegtay in ay  balan qaadayaan inay  lacag la’aan ku daweyn doonaan.

Gebagebadii xuskaas oo ay ka qaybgaleen saraakiil ka kala socotay wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada waxa  lagu soo bandhigay Riwaayad ka tarjumaysa  dhibaatada  uu leeyahay xanuunkaasi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed