|

Obama oo sii ambo qaadaya in Iridaha loo Xidho Xabsiga Guantanamo Bay

USA 23.May (SDN) Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama  ayaa  la sheegay inuu go’aansaday inuu  dib u ambaqaado qorshihiisa ahaa in al-baabada loo laabo Xabsiga Guwatinamo Bay,qorshahaasi oo ay ka mid tahay in  dib loo bilaabo oo kale qorshe ah in maxaabiista xabsigaasi ku jirta loo wareejinayo dhinaca dalka Yeman.Sidaasina waxa sheegay Wargayska lagu magacaabo World Street Journal.

waxa lagu wadaa in Madaxweyne Obama qorshaha xidhista xabsigaas oo mudo dheer dib u dhacday  inuu ku soo qaado khud-bada uu maanta  jeedinaayo,taasi oo  uu ku soo qaadi doono oo kale, doono oo kale  siyaasadda dalkiisa ee ju wajahan argagixisada.

Xabsigan Guwatinamo Bay waxa furay madaxweynihii hore ee Maraykanka  George W.Bush ,kaasi oo uu ugu tala galay in lagu xidho dadka lagu soo qab-qabto dagaalada Maraykanku  ka waday dalalka Afganistaan,pakistaan iyo meelo kale.

Madaxweynaha maraykanku Barak Obama ayaa waxa uu balan qaaday waqtigii uu ku jiray doorashada madaxtinimadda iyo markii uu ku guulaystay doorashada  Jeeniweri 2009-kii inuu al-baabada u xidhayo xabsigaasi Guwatinamo Bay ,hase ahaatee culays kaga  yimi dhinaca Konraska  dalkiisa iyo iyada oo ku adkaatay inuu helo dal  ogolaada in maxaabiista xabsiga ku jiro loo soo wareejiyo ayaa keentay in qorshahaasi xidhista Xabsigaasi  dib u riday.

Xabsigaas waxa la sheegay inay hadda ku jiraan maxaabiis koobani, waxaana tan iyo 2011-kii Xabsigaasi laga qaadaty ilaa lix boqol oo maxbuus.iyada oo maxaabiista haatan ku xidhani ay bilaabeen  gadood cunta ka soo-mid ah iyaga oo ka gadoodsan xadhiga ay halkaasi ku xidhan yihiin.Wargayska  World Street Journal ayaa waxa uu sheegay ,inay suura gal tahay in todobaado gudahood  heshiis laga gaadho  in maxaabiista xabsigaa ku jira loo wareejiyo dalka Yeman.

USA SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed