|

Wasaarada Maaliyada oo ka Hadashay Baadhitaan ku Socda Madbacada qaranka iyo Cashuuraha beriga ee Berbera

Hargaysa 23.May (SDN) Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland Saleebaan Ciise Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay baadhis uu hanti dhawrka guud ee qaranku ka sameeyay madbacada qaranka iyo cashuuraha barriga ee magaalada Berbera.

Agaasimaha guud oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadu ku wargelisay hanta-dhawrka guud inay badhis ku sameeyaan cashuuraha berriga Berbera, waxana uu tilmaamay in maamulka cashuuraha berriga ee Berbera ay wasaaradda ka codsadeen in baadhis lagu sameeyo.

Agaasimaha guud isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “wasaaraddu waxa ay leedahay waax la yidhaa waaxda badhista oo iyadu dokumentyada cashuuraha lagu qabto lacagta la qabto oo kormeerkooda saacado iyo minidka ay doonaan u baxa meeshay wax ku tuhmaan, waxa jirtay waax in hawl waaxdayadaas oo hantidhawrku waxa ka tuhmeen waxa ka mid ah cashuura ha berriga Berbera maamulkii joogay Berbera ayaa warbixin ka soo bixiyay, in khalad jiro wasaarday u soo gudbiyeen wasaradu hantidhawrka ayay kala shaqaysay, hase yeeshee waa arrin hanti dhawrka kala kaashatay oo u codsatay in hanti dhawrku baadho”.

Waxa kale oo uu ka hadlay warar ay qoreen qar ka mid ah warbaahinta oo ay ku sheegayeen in wasarada maaliyadu qaab qabiil ku qaadatay shaqaale ay qaadatay. “Somaliland dadkeedu waa isku hayb waa wada Somaliland Jaamacada Somaliland bay ka soo baxeen, mana jiro arday ama qof shaqaale dhawr kaa qof ee boqol ee imtixaanka galay ee aanu qaadanay ka mida oo aan haybtiisa waydiinay, mana waydiin doono u mana baahnin in aan ogaado guri haday ka wada yimaadeen oo imtixaankii baasay waa noo shaqaale” ayuu yidhi Agaasimaha guud.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed