|

Woqooyiga Lubnaan oo ay ku baaheyso colaada ka taagan Suuriya

Tiripoli May 23,2013(SDN)-

Waxaa sare usii kacday tirada dadka ku dhintay iskamhorimaadyada dhinaca qolo qolada ah ee ka dhcay magaalada xagga woqooyimee Lubnaan ku taala ee Tiriboli.

Tirada dhimashada ayaa haatan gaadhay 12 ruux,iyadoo dhaawacuna uu caga cageynaayo ilaa toddobaatan.

 

Colaadan kasoo cusboonaatay magaalada Tiriboli ee woqooyiga Lubnaan ayaa u dhaxaysa qolada Calawiyiinta ee taagersan nidaamka madaxweyne Assad iyo kuwa Snniyiinta ah ee iyaguna taageersan kooxaha mucaaridka ah ee dagaalka ka wada Suuriya.

Dadka ku dhintay rabshadahaasi ayaa la sheegay inay ku jiraan laba askari ka tirsanaa ciidanka milatariga ee Lubnaan.

Iska horimaadyo horaanti bishani ka dhacay magaaladaasi ayaa galaaftay nolosha afar ruux.

 

Warbaahinta Lubnaan ayaa kusoo warantay dadka ku nool degaanadaasi in ay qasab ku noqotay in ay gaboodyo ka galaan duqeynta iyo rasaasta dadka wax liishaama ay ridayaan , iska horimaadkaasi ayaa galay maalintiisi afraad.

Iska horimaadyada socda ayaa u badan degaanada Baabu-Tabaana oo ay u badan yihiin dadka Suniga ah iyo Jabalu Muxsin oo0 ah mandaqad ay u badan yihiin dadka Calawiyiinta ahi.

Dadka ku nool magaalada Tiriboli ayeey badankoodu yihiin kuwo sunyiin ah halka ay kuwa calawiyiintuna ay yihiin kuwo laga tiro badan yahay.

SDN-Tiripoli

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed