|

Kooxo hubeysan oo dad rayid ah ku dilay Magaalada Gaarisa ee waqooyi bari dalka Kenya

Gaarisa May 23 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magalada Gaarisa ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay halkaasi ku dileen labo ruux oo rayid ah oo ku sugnaa bartamaha magaalada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay dilka labadan qof waxaana ay intaasi ku dareen in kooxihii falka dilka ah geystay ay goobta ka baxsadeen.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada dowladda Kenya kuwaasi oo ka sameeyay howlgallo aan la garaneyn cida ay ku soo qabteen.

Duqa Magaalada Gaarisa Nadiif Jaamac oo la hadalay warbaahinta Kenya ayaa xaqiijiyay falka dilka ah waxaana uu intaasi ku daray in lagu raad joogo kooxihii ka danbeeyay.

Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada falkan, hase ahaatee Magaalada Gaarisa ayaa kamid magaalooyinka kuyaaal gobolka Waqooyi Bari oo ay ka soo ifabaxyeen falalka Amaan daro.

SDN-Gaarisa.

Comments are closed