Xukuumada Somaliland oo maanta gelinkii Danbe Xabsiga ka Siideysay Boqor Raabi Yusuf
Hargeysa May 22,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta gelinkii danbe Xabsiga ka sii deysay mid ka mida Madax Dhaqameedka Somaliland oo xukuumada mudo bilo ah u xiraa.
Boqorka ayaa Xabsiga dhexe ee Somaliland ku jiray mudo ka dib kolkii Maxkamada gobolka Hargeysa ay ku riday xukun laba sanadooda.
Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi ayaa booliiska Somaliland qabteen mar uu ka soo noqday safar uu Muqdisho ku tegay ka dib.
Weli ma Cada cida Boqorka ka sii deysay Xabsiga Hargeysa,mana jirin cid u ololeyneysay in xabsiga laga sii daayo.
Xukuumada Somaliland iyo Boqorka qudhiisa ayaan weli ka hadal sii deyntan galabta ooda looga rogay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com