|

Ma is weydiiseen waa kuma ninka kali ah ee Arimaha dibada ee Somaliland kor u qaadey iyadoon la hayn cid aqoonteedii iyo farshaxanimadeediiba leh?

Runtii waa wax lagu faano laguna farxo in ummada reer Somaliland ay leeyihiin halyeyyo u firfircoon Muujinta iyo musawiridda heerka ay Somaluland maanta joogto, xaqiiqdiina maaha in laga fekero aragti gaaban oo uu qof soo jeediyey loona fekero si maan gaabnimo ah, Ma is weydiiseen waa kuma ninka kali ah ee Arimaha dibada ee Somaliland kor u qaadey iyadoon la hayn cid aqoonteedii iyo farshaxanimadeediiba leh?

Ha u fekerin si qabiilaysan ama caadifad reer ku jirto lakin ogsoonow inay Marwalba arimaha gudaha iyo dibadaba ee Jumhuuriyada Madaxa banaan ee Somaliland cid walba iska xilqaami karto sidii aynu u gaadhi lahayn hiigsigeena iyo himiladeena hooga iyo huguba ku hayaameen ee maalin iyo habeenba loo soo jeeday sidii loo xoreyn lahaa Somaliland.


Waxaan ayaan darro ku tilmaami lahaa Dad aan taariikhda aynu huwannahay ee inagu gadaaman waxba ka garanayn hadana xil iyo kuraas sare ku meer digaalaysanaya kuna faanaya waxaanay Mansab u lahayn!

Yaabka yaabkiis weye hadii la dhaho Eng Faysal Ali Hussein waa sharci-qaran jabiye, xiiqdu waxey tahay waa ninka kali ah ee si cad oon mad madaw iyo mugdi lahayn u cadeysta qaranimada iyo heerka uu ka taagan yahay gooni isu taaga Dawladda Somaliland.

Qofkii shaki ka galo qadiyada Gudoomiye Faysal isaga ayaa ah wax dib loo baadho oo la soo ogaado guntiisa iyo midhihiisa asal ahaaned heerka iyo sida uu la rabo qaran dhisan….
Shakhsiyan feker ayaan leeyahay Ashkhas kalena feker ayey leeyiihiin.. ma is weydiin kartaa waxay Afkaarteenu ku kala duwan tahay?

Sababo badan awgeed geed ma gaadho ayeynu nahay waxaana ka mid ah kana kaw ah Qaraabo kiilnimo iyo qabiil ragaadiyey umad rabta reyn reyn iyo ictiraaf, waana mid subxaana leh, waxayna ka dhigan tahay caano iyo saliid ayaan isku walaaqayaa hana isku milmaan!!!

Qarannimada Somalilad maaha mana noqon doonto mid cid gooni ah lugta iyo jeeniga ugu xidhnaata, waxaanan mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa gudoomiye Eng Faysal Ali oo aan ku tilmaaami karo halyey u hiiliya qarankiisa!

Mahad Guleid Hargeisawi.
Mahadguleid@hotmail.co.uk

Comments are closed