|

Duqeyn lagula kacay magaalada Goma ee bariga DR Congo

Goma May 22,2013(SDN)-Ugu yaraan hal ruux ayaa ku qudh baxay magaalada ugu weyn dhinaca bari ee wadanka jamhuuriyada Dimuqraadiga ee koongo kadib markii uu ku dhacay madfac .

Weerarkaasi ayaa dhacay dhacasy xilli uu xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon uu socdaal ku tagay xarunta wadankaasi ee Kinshasa,si loo xoojiyo amaanka gobolkaasi.

 

Ciidanka dawlada iyo kuwa falagada M23 ayay dagaalo culusi ay ku dhex mareen meel u dhaw

magaalada Goma, ee dhinaca bari ee wadankaasi Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Koongo.

Dagaaladaasi oo oo socday tan iyo maalintii Isniintii ayaa la sheegay in ku dhinteen 19 ruux.Iska horimaadyadani ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey eee degaankaasi ka dhaca tan iyo markii kooxda falaagada ah ee M23 ay ka baxday magaaladaasi sanadkii aynu soo dhaafnay , kadib markii la saaray cadaadis diblomaasiyadeed.

Qaramada midawday ayaa sheegtay in ay dardar galin doonto dedaalka ay ku doonayso in ay ku geyso bariga Koongo ciidamo xoog ah oo gaadhaya ilaa 3000 askari kuwaasi farogalin sameyn doona , si ay usoo afjaraan khilafka u dambeeyey. Dhinaca kale , baankam aduunka ayaa sheegay in wadanka Koongo iyo dalalka la jaar ka ah la siin doono malaayiin doolar oo gargaar ah.

SDN-Goma

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed