Askar Masaari ah oo lasii daayey kadib markii Siinay lagu afduubay
Qahira May 22,2013(SDN)-Toddoba xubnood oo ka tirsanaa xoogaga amaanka ee wadanka Masar ayaa lasii daayey, kadib markii muddo toddobaad ah afduub loogu haystay dhulka jaasiirad lamoodka Siinaay.
Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi iyo wasiiro ka tirsan golahiisa xukuumada ayaa askartaasi ku qaabilay saldhig milatari oo ku yaala magaalada Qaahira .
Madaxweyne Mursi ayaa ugu baaqay dadka ku nool dhulka lama degaanka Siinaay in ay iskadhiibaan hubkooda, waxaana talaabadaasi lagu tilmaamay in ay tahay mid aan hore u dhicin .
Soldiers in military vehicles proceed towards the al-Jura district in El-Arish
Dhulka Siinaay ayaa noqday meel ay kusii kordhayso sharci daradu tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarik.
Askatra lasii daayey ayaa lagu qabsaday 16-ki bishani iyagoo la socday gaadhi yar oo bas ahaa , kaasi oo usii jeeday dhinaca magaalada magaalada al-Cariish ee woqooyiga dhulka Siinaay.
Askartaasi oo indhaha laga xidhay ayaa maalmo ka hor laga sii daayey shabakada Inter-Netka, kuwaasi oo madaxweyne Mursi ka codsanayay inuu aqbalo dalabyada dadka afduubay ay doonayaan , oo ahaa in la sii daayo kooxo mintidiin ah oo loo xidhay iyagoo weeraro hubaysan ka fuliyey dhulka lamadergaanaka Siinaay labadii sanadood ee aynu kasoo gudubnay.
24kii saacadood ee u dambeeyey ayeey ciidanka Masar ay kor u qaadeen hawl galo baadi goob ah oo ay ka wadeen dhulka Siinaay.
Saacado yar kahor intii aan lasii daynin askartaasi ayuu afhayeenka ciidanka Masar uu ku hanjabay in talaabo adag oo ciqaab ah lamarin doono kuwa afduubka ku kacay.
Odayaasha degaanka ayaa la sheegay in ay doorweyn ka qaateen sidii loo sii deyn lahaa askarta la afduubay.
Geesta kale, saaraakiisha Masaaridu waxay dib u fureen marinka Rafax , kadib markii ay xidheen wax yar kadibh markii askartooda afduubay .