Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta oo Tababar lagaga hadlayay Xeerka Anshaxa Saxaafada u Soo Gabo gabeeyay Xubno Warfidiyeeno ah
Hargaysa 22.May (SDN) Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta u soo Gabo gabeeyay in ka badan Sodon Suxufi oo tababar Mudo Sadex Cisho ah uga Socday Huteel Ambassador ee Caasimada Hargaysa.
Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Akaadimiga Nabada iyo Horumarka ayaa mudadii uu Socday Waxay ka qayb galayaashu ku baranayeen sidii ay u naaqishi lahaayeen Xeerka Anshaxa Saxaaafada .
Xasan Cumar Halas oo ka Tirsan Akaademiga Nabada iyo Horumarka Somaliland iyo Khadar Maxamed Cakule oo ka socday Ururka USJ oo Madashii Xidhitaanka Tababarkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay doorka Saaxaafada Somaliland kaga beegan Xaqiijinta Wararka ay faafinayaan waxaa kale oo ay intaas ku dareen inay Muhiim tahay Qodobada ay Suxufiyiintani Sadexda Cisho ku qaateen iskuna afgarteen in la dabaqo, kuwaas oo taabanaya Xeerka Anshaxa Saxaafada.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo Gaba gabadii Xidhitaankii Tababarkaasi ka hadlay ayaa Sheegay inuu ku faraxsan yahay in Suxufiyiintu gartaan Waajibaadka balaadhan ee ka saaran Dal iyo Dadba waxaanu ku dhiirigaliyay inay ku dadaalaan Sidii ay Mihnada aqoontooda u sii korodhsan lahaayeen.
Gaba gabadii Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta C.laahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Khadar Maxamed Cakule oo ka Socday Ururka USJ ayaa qalinka ku wada duugay qodobada Xeerka anshaxa Saxaafada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com