|

Shir Qaran oo la Xidhiidha Shaqo abuurka oo Hargaysa lagu qabanayo

Hargaysa 22.May (SDN) War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka wasaaradda   shaqada iyo Arimaha Bulshada Mud,Maxamud Axmed Barre Garaad,ayaa ku sheegay in la qaban doono shir Qorshe Qaran oo la xidhiidha shaqo abuurka,kaasoo ay qaban qaabinayaan Wasaaradaha: Shaqada iyo arimaha Bulshada, Qorshaynta Qaranka, Hay’adda ILO iyo Daladda dhalinyarada ee Sonyo.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay,in ujeedada shirkani ay tahay  sidii loo heli lahaa siyaasad Cad oo lagu ballaadhinayo baaxadda shaqo ee  dalka.isla markaana  loo furdaamin lahaa caqabadaha hor-taagan koriinka shaqo si looga gudbo,loona yareeyo shaqo la’aanta

Shirkan oo ay ka qayb qaadanayaan Lixdan xubnood oo ka kala  tirsan, Masuuliyiinta dawladda,dhalinyarada,Haweenka,Ganacsatada,ururada Bulshada,Qaadhaan-bixiyayaasha,Hay’adaha caalamiga ah,Qaramada midoobay,Madaxda Jaamacadaha iyo Ururada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha,Rugta Ganacsiga.

War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in  shirkan ay barbar socon doonto qabashada   Bandhig Carwo oo la xidhiidha arimaha  shaqo iyo adeegyada iyo wax soo saarka. Shirkaasi qaran oo ku qabsoomi doona  Caasimada dalka  Somaaliland ee Hargeysa.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed