|

Afhayeenka AMISOM: Ciidamada Kenya ma ahan hada Kenyati ee waa AMISOM

Muqdisho May 22 2013 (SDN)— Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM oo lagu eedeeyo in ay u dhaqmaan si kabaxsan ciidamada kale qeybta ka ah howlgalkan ayaa Afhayeenka AMISOM oo shalay hadalay waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya ay yihiin AMISOM loogana baahan yahay in ay u dhaqmaan sida sharcigu yahay.

Cali Aadan Xumad, Afhayeenka AMISOM ayaa tilmaamay in Ciidamada Kenya aysan aheyn Ciidamo dowladda Kenya u shaqeeya, balse ay yihiin Ciidamo Nabad Ilaalineed oo ka howlagal dal loo baahanyahay in la nabadeeyo.

Xumad wuxuu sheegay in ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo ay ku shaqeeyaan magaca ciidanka AMISOM ayna ka amar qaataan AMISOM taliskooda Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Saraakiisha howlgalka Kenya ee Kismaayo ku sugan amaradooda laga bixiyo Magaalada Muqdisho aysana halkaasi ka sameyn wixii ay iyaga doonaan.

Dad badan ayaa aaminsan in ciidanka Kenya aysan si toos ah uga amar qaadan Taliska AMISOM ee Magaalada Muqdisho,maadaama dhowr mar Magaalada Kismaayo ay kasoo celiyeen diyaarado taliska AMISOM ay ku wargeliyeen inaysan soo celin oo ay fasaxaan.

SDN-Muqdisho

Comments are closed