Qormadii 5aad oo ku-saabsan Dhaqaalihii Somaliland oo Waayey Sadexdii TA ( Tashiil-Taxliil-iyo Turuq )
Dakhliga Miisaaniyadu Sidiisaba waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysan Qiyaas (projections) kuna saleysan Mar-kasta xaalada dhaqaale ee wadanka taal.Taas oo ku saleysan Xaalada taagan markaa iyo ta-soo-socota . Marka la isla meel-dhigo dakhliga ayaa dabeetana laga fuudh-yeelaa baahiyaha markaas jira iyada oo mud-naanta loo siinaayo sida ay kolba u-kala mu-hiimsan yihiin una kala horeeyaan (Prioritize). Haba waxa aan Caad-saarneyn in aaney tani ka muuqan miisaniyada ay Xukuumada Siilaanyo oo dhoob-dhoobtey sanadka 2013 ee ay cirka ku-shareertey si ay Shacabka tabaaley ee Baahan ee reer Somaliland ay Hiyigooda u-Xado oo ay Quluubtooda u-kasbato.
Madax-weyne Siilaanyo Wuxuu Khudbadiisii Sanadlaha aheyd uu kaga dhawaajiyey in Waqtigii ay Xilka la wareegeen ay Miisaaniayada Somaliland aheyd 50 Milayan oo Dollar Sanadkan 2013 ay Sadex-laab ka badan tahay oo ay tahay 170 Millyan oo Dallar.
.Waxaa ay Xukuumadani ay caadeystay ina aaney soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhaxeeya miisaniyada mala-awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah (actual). Mar haddii taa la waayo oo ay noqoto Miisaaniyad mala-awaL ah iyo Mala-Awaalkii miisaaniyadii Sandkii hore oo hadana la bar-bar dhigaayo Mala-awaalka Miisaaniyada sanadkan cusub wax qiima ah oo ay ku fadhiyeysaa ma jireyso. Arintani waxay keentey in dhaqaalihii Wadanka oo Afar-laabmey Sanadkan uu hadana weli Yahay mid-Hubux-saaran yahay oo aan Runta laga sheegin oo aan Wax-buuran oo la taaban karo wadanka u-Hilaacin.kuna soo kordhinin, Taas oo Xeel-dheerayaasha Dhaqaalaha iyo wax-garadkaba caadka uga qaadeysa in Dhaqaalaha wadanku uu toobiye khaldan ku-socdo dhakh-sana u-turun-turoon-doono maadaama uu-Seegay sadexdii TA oo laka ah ( Tashiil, Taxliil iyo Truqba)
Waxay aheyd in odoroska Miisaaniyada loo soo xulo xeel-dheerayaal-Debedeed iyo mid maxaliba si ay isu-maskax-tuujiyaan ka dibna ay aqoontooda weel-ugu shubaan oo u-cabsiiyaan Hawl-wadeenada madaxa adag ee shaqadan loo igmadey. aynu hadaba ku-soo noqono Sadexdeenii TA.inaga oo soo koobeyna laakiin sibirta u-yara -saareyna Xogta iyo
Xaqiiqda maanta wadanka Somaliland ka jirta.
1- Tashiil- ( saving) Nasiib-daro Wadankeenu hada wuu ka aradan yahay oo malaha wax-keyd aduun ah oo buuran, waxaana u-daliila Duruufaha nololeed iyo Sicir-bararka marba marka ka danbeeya isa soo taraaya ee Cirka isku shareeray oo Dawladu kaalin teedii ka Gaabisey.Kadib markii wadanku waayey Madax-daacad ah oo Lexe-jeclo ka leh sidii Wasiirkii hore ee Maaliyada Mohamed Xaashi Cilmi oo Taariikh iyo Rikoodh wax-qabad oo lataaban karo kaga tegay Wasaarada Maaliyada Xukuumada S/land ee hada jirta.
2- Taxliil- Waxaa kale oo meesha ka maqan oo dhaqaalaha Somaliland u-baahan-yahay Xeer-dheerayaal Qof iyo laba ka badan oo aqoon buuxda u-leh Dhaqaalaha oo soo nidaaamiya oo kantaroola Dhaqaalaha ummadda ka dhaxeeya oo hadda noqdey mid la-fadhanaayo oo aad loo fu-teynaayo.
3-Turuq ama (Jump start) ama Jug uu isku taago si aanu u-liicin Jugtii lagu istaadhi-lahaa dhaqaalaha yar ee Somaliland ayaa isna lala Baal-marey Sida lacagta Dekeda Berbera oo toos Madaxtooyada u-gasha, Lacagaha Haamaha shidaalka, Lacagaha laga Qaado Shirkadaha Baadha kheyraadka Ma-guuraankaah ah sida kuwa Kaluunka iyo Kuwa Batroolka Baadha oo iyana intii ay Xukuumadani jirtey aad loogu tagri-fakey oo loo lun-sadey.
Ceebaha aaney tebin ee Xukuumada Siilaanyo Dul-hoganaaya waxaa ka mid-ah Kharajaka Martiqaadyada ( Entertainments) oo ay ku-jiraan kharajka Tigidhada iyo Hudheelda ay kolba wadan isu daba-yaacaan wuxuu ka badan yahay Miisaaniyada Xeer ilaalinta, Qorsheynta, Beeraha, Xanaanda Xoolaha iyo Cadaalada taas oo ah Aqoon-daro iyo Ceebeey Tacaal !! Hadaba markaad u-fiirsato baahiyaha dhaqan-dhaqaale ee is-barkan ee haysata Dan-yarta Somaliland, Sicir-bararka isa soo taraaya iyo heerka nolosha ee ay danyartu taxadka ku sii socoto, Markaad Mucaadinow u-fiirasato Dayaca Ba’an ee ka taagan Degaanka Somaliland oo maanta Ciida ama carada degaanada Somaliland 30cm ee ciida ugu sareysa ee ay nolosha Bi’aadanku -ku xidhneyd ay nafaqadii ka dhamaatey oo Nabaadguurey. Markaad u-fiirsato Dayaca Ba’an ee Haysta Xoolaha Somaliland ee Nolosha Ummadu ku-xidhan-tahay Waxaa Marag-madoonto ah in xukuumadii ummaddu Dooratey ay Hagratey oo ay Noqotey Hogaan habacsan oo aan laheyn ( Coaches) iyo Xeel-dheerayaal wanaagsan oo tubta u-saara Toobiyaha toosan si aaney u-taraarin oo aaney u-turunturoon.
Waxaa wax-garadka Wadanka oo wadanaha farta ku-hayaa uu isku raacey in aaney Xukuumadani aheyn mid-dadaal badan oo digtooni badan oo la sii dugsan karo, In aaney Xukuumadu aheyn mid-Garwaaqsatey Duruufaha kala duwan iyo Baahiyaha is barkan ee ku-habsadey shacabka saboolka ah ee Somaliland , in ay Tahay Xukuumad Muraayad Madow ka gashatey Xog- Ogaantii iyo xogo-gaalnimadii Heerka nolosha ee Bulshadu kolba mareyso.
Geba-Gebo: Horumarka Dalku Waa Halbowlaha kowaad ee Ummadda , Waxaa hadaba Xukuumada Siilaanyo Looga Fadhiyaa In ay Ummadda u-Cadeyso. Faraqa 4-Laabka ah ee U-dhaxeeya labada miisaaniyood ee Midna ahaa 50 ka Millyan Dollar iyo kan Imminka ay Mala-awaalatey ee ah 170 Millyan ee Doolar Mashaariicda Baaxada Leh ee ay ugu Talo Gashey shacabka Gaar-ahaan Dhalinyarada shaqo la’aantu ragaadisey, si loo arko Isbedelkii ummaddu ku soo tacabtey. Taas oo ummadda Reer Somalilandna U -furi lahaa Daaqadihii Rajada oo hadda wada-xidhmey.
Alleh ayaa mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-laahum-aclum Wa-Bilaahi-Tawfiiq.
A/rahman fidhinle
intensive PA-
London- UK