|

In kabadan 50-Ruux oo ku geeriyooday Duufaano ku dhuftay Oklahoma ee dalka Maraykanka

Oklahoma May 21 2013 (SDN)— Ugu yaraan 51-ruux, oo ay ku jiraan 20-caruux ah ayaa geeriyooday kaddib markii Duufaano xoogan ay ku dhufteen Magaalada Oklahoma ee dalka Maraykanka.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in duufaantani ay aheyd tii ugu xumeyd ee ku dhufatay Magaalada Oklahoma iyagoo sidoo kale sheegay in ku dhawaad 120-ruux oo dhawacyo soo gareen lagu dabiibayo Isbitaalada Magaalada.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo ka hadlay Arintani ayaa sheegay in wixii ka dhacay Magaalada Oklahoma ay ahaayeen Musiibo qaran, waxaana uu ku Amaray Mas’uuliyiinta Federalka in ay ka qeybqaataan howlaha samata bixinta ee loo sameynayo dadka wax ku noqday iyo kuwa la la’yahay wali.

Madaxa caafimaadka Oklahoma ayaa xaqiijiyay tirade dadka dhintay, laakiin waxa uu cabsi ka muujiyay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

SDN- Oklahoma

Comments are closed