“Ciidamadda Ethiopia Diyaar Ayey U Yihiin Inay Taakulo Iyo Gacanba Siiyaan Ciidamadda S/Land, Hadii Loo Baahdana Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Somaliland Ka Difaacno Khatar Kasta Oo Kooxaha Xagjirka Ah Ama Meelkaleba Kaga Timaada” Hailemerium Desagne
Addis Ababa, May 21, 2013 (SDN) – Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemeriam Desalgne oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey Baarlamaanka Wadankiisa si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia oo uu ku tilmaamay mid aad u muhiim ah oo ay ka go’antahay inay dawladiisu xoojiso, isla markaana Xildhibaanadiisa uga warbixiyey danaha ka dhaxeeya labada dal.
Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemeriam waxa uu sheegay in Somaliland iyo Ethiopia ay iska kaashadaan dhinaca nabadgelyada, isla markaana labada dal ay ka shaqaynayaan sidii xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyaa loo balaadhin lahaa, kaas oo xusay in dawladiisu dhawaan u soo dirtay Somaliland ugu yaraan toban agaasime iyo wasiir ku xigeeno si loo sii ambaqaado wada xaajoodka arrintaasi lagu dar dar gelinayo.
Raysal Wasaaraha Ethiopia isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Somaliland waa saaxiib iyo garab muhiim ah oo Ethiopia leedahay waxa naga go’an wax kasta oo ay nagu qaadato inaanu difaacno oo ilaalino Somaliland, diyaarna waanu u nahay markasta oo ay noo baahdaan walaalahayo Somaliland inaanu garab istaagno” ayuu yidhi Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemerium Desalgne.
Sidoo kale Hailemerium Desalgne wuxuu tilmaamay inay ciidamadda Ethiopia diyaar u yahiin inay ka bar bar dagaalamaan ciidamadda Somaliland, tababar u fiican isla markaana haddii loo baahdo ay siiyaan gacan kasta haddiiba ay dhacdo inay Somaliland khatar kaga timaado kooxaha xag jirka ah ama dhinaca Soomaaliya, isaga oo Raysal Wasaaraha Ethiopia arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Ciidamadda Ethiopia diyaar ayey u yihiin inay siiyaan taakulo iyo gacan ciidamadda ammaanka Somaliland haddii loo baahdana waxaanu diyaar u nahay inaanu Somaliland ka difaacno khatar kasta oo kooxaha xagjirka ahi ku soo qaadaan ama dhinac kale kaga timaadda”.
Dhinaca kale dhawaaqan ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa ah hadalkii ugu miisaanka cuslaa ee Hogaamiye Mandaqada ku yaala ama dunidaba uu si cad ugu taageeyo Jamhuuriyadda Somaliland, halka arinta xiisaha lihina ay tahay hadalka Hailemerium Desalgne oo ku soo beegmay wakhti ay dalka ka socdaan Dabaal-dagyadii xuska sanad-guuradii 22-aad ee Qaranimadda Somaliland oo ay si wayn uga cadhoodeen Madaxda Somalia, xili Madaxwaynaha maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud uu maalintii doraad hadalo Xanaf leh kaga jawaabay aragtiidiisa Xuska 18-ka May ee sanadkan sida ay bulshadda Somaliland guud ahaan iskugu soo baxeen.
HAATUF