|

Somaliand; Saddex ay Mahadisay iyo Saddex ay Eeday Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe

Dhacdo kasta oo aduunka ku soo martaa waxay leedahay asbaabo ama arrimo lala xidhiidhiyo dhacdadaa. Taariikhduna waxay dib uga faalootaa wixii keenay iyo cidii masuulka ka ahayd xume iyo samaan.

Dagaalada ka oogan Somalia, ma aha qaar IIlaah la jecel yahay in ay sidaa ahaato.Illaahay (SW) baa Quraankiisa kariimka ah inoogu sheegay inaanu qoomna badalin ilaa ay iyagu is badalaan mooyaane. Sidoo kale Nabada, Xorriyada, iyo Baddaadha ka jira Somaliland ma aha mid iyaga gaar Eebe ula damcay (God Given Right) inay waligood ku jiraan, Waa mid ku timi la imaanshaha afcaashii looga baahnaa. Waa mid loo huray dhiig looguna samray gaajo iyo darxumo, aakhirkiina lala yimi Dulqaad, Isu tanaasul, Isa saamax iyo is Aamin. Si ay tani u dhacdo waxa la isla gartay in shirar laysugu yimaado laguna gorfeeyo habkii dadka lagu dhaqi lahaa, iyo wixii laga yeeli lahaa hadba duruufaha jira.

Maqaalkan waxaynu ku so qaadan doonaa Lix shir oo taariikhda Somaliland ku suntanaan doona mudooyinka soo socda. Waa shirar qaarkood la mahadiyay laguna caano maalay markhaatina ay ka tahay Somalilandta maanta. Waa shirar aan qaarkoor la mahadin una horseeday hagardaamo iyo ciil. Waa shirar san-saanta guud isaga eg balse san-saanta gaar ahaaneed ku kala duwan. Waa shirar saddexba ay gaar isu shabahaan. Waa shirar haldooro Somaliland u dhashay, wax dhintay iyo wax noolba, hogaankooda hayeen.

Lixdaa shir waxay kala ahaayeen;

1- Shirkii Baligubadle 1990

2- Shirkii Burco 1991

3- Shirkii Boorama 1993

4- Shirkii Gar adag 2008

5- Shirkii Kulmiye Burco 2008

6- Shirkii Washington DC 2009

Maqaalada dambe ayan jeclay in aynu kaga warano Saddexda shir ee aynu mahadinay, maanta se waxa khasab noqatay inaan daaha ka rogno bal macnaha ay inoo leeyihiin Saddexdan shir ee mahadhooyinka ku reebay Somaliland. Waa saddex aynu ku waynay Dimuquraadiyadeena iyo Dowladnimadeena, kuna waayidoono Madaxbanaanideena iyo nabad galyadeena.

1) Shirkiikii Burco 2008kii ee kulmiye. waa kii ay somaliland ku wayday dimuquraadiyadii iyo wadalahaanshii xisbiyada. Wa tii la inoogu sheegay in laba reer ay wax kala qortaan o ay heshiis hoose ku galeen in dimuquraadiyadii laga guuro loona guuro qaab Beeleed sidii loogu qaybsanlahaa. wa ka aynu ku waynay saddexdii xisbi ee loo sinaa, dadkuna ay isku raacayeen fikirka iyo aaminsanaanta. Waa ka qasbay in la samaysto urruro sita magacyadii Xawaaladaha balse macnaha ku duugan magacyada u ahaa- anaa kaa baddan, anaa kaa mudan, managaan boqol gaadhin, iyo aabahay goblan. Waa ta guri isugu xidhay Cirro, Warancade iyo Gaboose. Waa ta xisbi isugu keentay Saleeban iyo Siiraanyo o aynu ognahay halka ay kale joogeen. Waa ta Abdiqaadir Jirde ku kaliftay inuu ka muuqdo madasha Xaqsoor.waa ta keentay in siyaasiyiin waawayn oo reer Somaliland ihi in marka ay fikriyan kaso horjeestan xisbi reeroodkooda in ay yidhaahdan ‘Anigu xisbina ma galayo’. waa gartood oo ilayn sidan ay tahay reer kale ma noqon karaane.

Waxan xasuusta hees ay wiil iyo gabadhi darandoori ay u qaadayeen. Wiilka ayaa odhanaya ‘Miyaa loo dhashaa Wadani, mise waa layska dhigi karaa Wadani‘, gabadha ayaa u jawaabaysa o odhanaysa; ’Waa loo dhashaaye sidee baa laysaga dhigi karaa wadani‘.—–Akhristow caadifad yar oo caantayn ahi yaanay ku qaadin—uma jeedo xisbiga Wadani oo kaliya, ee waxan ka hadla yaa xisbiyadeena o dhan ayaa lo dhashaa.

Nin iyo wallaalkii oo doorkii hore u kala codeeyay Kulmiye iyo Udub, markii, caadaalad ama caddaalad daro, tay doontaba ha noqotee, ay nasiib u yeelan waayeen in xisbi ay leenahiin soo baxo, wa ayaanta bartay in ay yeeshaan shirar is daba jooga oo ay kagaga munaashaqoonayno sidii ay xisbi u yeelan lahaayeen doorka dambe.

Waa ayaanta la aasay bam aan uga baqayo in u ku qarxo beel kamid ah beelaha udub dhexaadka u ah Somaliland. Akhristow waxan intaa kaga baxayaa su’aasha ah, Doorashooyinka soo socdaa markay dhacaan, bal ii sheeg komishanka ku dhawaaqi kara baho Qudhac iyaa ka badisay baho Galool. Odhaah somaaliyeed ayaa tidhaa Ku Kaadshaan nin u aqaan?.

2) waa Shirkiikii Gar-adag 2008. waa kii ay Somaliland ku wayday maamul dowladeed iyo kala dambayn. Quraankeena kariimka ah waxa ku jira aayado la nasakhay ama la buriyay ka dib markii ay ka dabmeeyeen aayado halkoodii badalay, hadaba maalinta shirkaasi dhacay wixii ka dambeeyay waxa la nasaqay ama la buriyay distuurkii iyo qawaaniintii u daganaa Somaliland, halkiisiina waxa galay Gar-adag Agreement. Maalintaa waxa isku milmay xisbigii, guurtidii, ganacsatadii iyo qabiilkii. waa goobta ama istaankii Xirsi ka soo raacay dawlada, waa ta keentay tuhunka laga qabo dowlad beelaysan. wadiga arkaya kala dambayn la’aanta taagan, shir beeleedyadan iska so daba dhacaya, salaadintan digreetooyinka so saaraya iyo shakhsiyaadkan ku faanaya awooda dowlada oo ay gaar isa siiyeen.

3) waa shirkii Washington ee 2009kii. waa shirkii Somaliland ku sigatay inay ku waydo madax banaanideeda. Wa kii ay ku aqbashay maamul goboleed. Shirkani waxa u ahaa talo dowlada maraykan ay lahayd kadib marki CIA du report ay ka so diyaarisayay kagana warantay sidii colaadaha, argagaxisada, iyo budhcad baddeedka mandaqada ka taagan loo soo afjari lahaa.waxa la isla qaatay in la sameeyo -Reginal approach -ama sidii gobol gobal loola macaamili lahaa qaybaha kala duwan ee Soomalida. Waxaana talo ay ku soo jeediyeen in la sameeyo wax loogu yeedho Regime Change oo baryahan dambe qayb wayn ka ah siyaasadaha dibada ee maraykanka. Qorshahan waxa ka mid ahaa in Abdilahi Yousuf, in gabadh madow oo maraykan ahi, airportka Niarobi kula kulanto, una sheegto in u is casilo. inkasta oo aanay dadku aad u dhaadin waxa jiray in dowladaha reer galbeedku ay dabada ka riixayeen in Kulmiye ku guulaysto doorashada Somaliland. Danaha maraykanku ay ka lahaayeen Siilaanyo way caddaayeen, kadib markay arkeen in Ahmed ahaa Gudoomiyihii SNM, in Ahmed yahay aqoon yahan caan ah oo bulshadana sharaf ku leh, in Ahmed ka so jeedo qabaa’ilada waawayn e Somaliland waliba kuwa ay ku adagtahay qadiyada gooni isutaagu, waxa u cadaatay in Duqani yahay kii meel marin lahaa qorshahooda ay la damac sanyihiin wixii la isku odhan jiray Somalia.

Maadaama Ameerikaanka ay u cadayd danaha ay ka lahaayeen heshiiskan, waxa aynaan wali garan maxay ahayd danaha Axmed kalahaa in u sexeexo maamul goboleed?.

Dadyowga Soomaaliyeed meelay joogaanba waxa dhacda in hadba cidii maamulka u haysaa ay ku takri fasho dhaqaalaha ummada, in ay ka leexdaan qawaaninta, in ay xoriyadtil qawlka cidhiidhi galiyaan. Hadaba shicibka oo intaa oo duudsiya lagu sameeyay waxay u yeeshaan dulqaad inta ay ka so gaadhayso Diintooda iyo Qabiilkooda oo ay u arkaan lama taabtaan.Dadka Somaliland waxa intaa u dheer Gooni isu taaga oo iyana ugu jirta qaybaha lama taabtaanka ah.

Waxa ayaan daro ah in is Maamul Goboleedka Kulmiye lagu maamuuso guulo aanu soo hoyn. Bal aynu is yara dul taagno labadii shir ee u dambeeyay; waa shirkii Turkiga iyo kii London. labaddaba waxay dowladu is macaashsiisay inay wacdaro ka muujisay goobahaa.

Aynu ku horayno shirkii Turkiga; shirkani wuxuu daba socday London 23 Feb 2012, UAE, iyo kii Jun.2012 eeTurkiga.

labada qodob ee la ino sheegay in wax inoogu jireen waxay kala ahaayeen 1) In wadahaladii Somaaliya iyo Somaliland la sii wado. 2) in Somaliland lacagaheeda toos ay u qaadato.

Qodabkan wada hadalku ma aha qodob cusub. waa qodob hore u jiray. waana mid meelkasta oo la isugu yimaado lagu soo dari doono. waa balan la sii samaysanayo ee ma aha qodob ka hadlaya wixii la kala yeeli lahaa.

Qoddobka lacag qaybsigu waa qodob laga dhaxlay shirkii Washington, waa qodob ka sheekeeyey qaadhaan qaybsiga federaalka. kalmadaha macnaynayay qodobkan waxay ahaayeen ‘the Fedaral government has to encourage and facilitate—- waa in dowlada dhexe dhiiri gali saa, ismarkaana ay fudaydisaa sidii ay Somaliland qaybteeda dhakhso loogu soo gudbin lahaa. Isla goobtaa oo u madaxwaynaha Somaliland fadhiyo waxa qudbad ka jeediyay wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga, waxaanu kalkaa ka sheegay ln aanay gobalna la xidhiidhi doonin ama aanay mucaawino u gudbin doonin ilaa ay amar ka helaan dowlada dhexe ee Somalia. Iyada oo ay sidaa tahay, dowladu waxay lacago fara badan ku bixisay sidii ay isugu hambal yayn lahayd guulaha ay ka soo gaadhay shirkaa.

Aynu u nimaadno shirkii London 7 May2013 ; Dowladu waxay guul ka dhigatay Diidmadii qayaxnayd ee ay iska taagtay ka qayb galka shirkaa.

Hadaba yaa lahaa mowqifkan la yaabka leh ee dib u nooleeyay rabitaanka dhabta ah ee shicibka ay hiigsanayaan?

Saacado ka dib markii waftigii madax waynuhu ay lakulmeen raysal wasaarah ingriiska, wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa u dadka kala hadlay TVyada afsoomalia ku hadla iyo baraha internetka. waxa u inoo sheegay mowqifka ay ka qabaan ka qayb galka shirka waxaanu yidhi anoo so koobaya; ‘waxanu la kulanay raysal wasaarihii ingriika, waxa uu na tusaaleeyay sida ay muhiim u tahay in aynu ka qayb galo shirka. Anaga oo maanka ku hayna in Ingriisku yahay dowlad wayn oo aad inoola saaxiiba, waxa ay noo cadeeyeen in aanay waxba inagaga yaraanaynin ka qayb galka shirka. Waxa noo muqatay in madashu ay tahay meel konton dowladood oo waaweyn isugu imanayaan oo aynu u isticmaali karno platform aynu qadiyadeena ka sheegano. waxa uu hadalkii ku so koobay waxaan ku nidhi waanu ka so fakaraynaa.

Arintani waxay ixasuusisey nin reer London ahaa oo aanu saaxiibnahey uu iiga sheekeeyey shir logu qabtey London daba yaaqadii halgankii oo u eg ku deygan maxamed c/lahi wakhtigan uu hada ula soo badheedhey waxa uu iiga sheegey shirkaa London lagu qabtey inuu ahaa sidii looga dhaadhicin lahaa in lasameeyo heshiis la la galo kaligii taliyihii siyaad bare waxaana kamid ahaa xog hayii arimaa dibada ee SNM saleban gaal, shirka wax aka habsaamey oo soo socdey oo furilahaa mujaahid xasan ciise oo ahaa gudoomiye kuxigeenkii markii waxoogaa la sugey ayaa leysla gaadhey aynu iska bilaabano xasana waa ina soo gaadhiye waxa uu yidhi saleebaan : dhawaanahanba waxaa nalagu qasbaayey wada hadal na dhexmara Snm iyo siyaad bare waxaana arimahan ka soo shaqeeyey dowlado aynu aad isgu dhowney oo ay ka mid yihiin jabuuti iyo kuwayd,waxaa halkaa ka bilaabmey qeylo iyagoo qurbo joogo diidey oo ubadnaa dadkii maalkooda halganka ku bixin jirey ilaahey amarkii waxa soo galey Xasan Ciise mikira foonkii ayaanu qabsadey waxaanu ka sheekeeyey dagaalkii labaad ee aduunka markuu jarmalku qabsadey polan ayaa jarmalku codsadey wada hadal aduunyadu ku dhexjirto waxaanu reysal wasaarihii ingiriisku ee la odhan jirey mr Churchill Wuxu yidhi buu yidhi bilaa shuruud waa inaad garmalow polan ka baxdaa . Anaguna waxaanu leeney waa inuu siyaad bare bilaa shuruud ku baxaa. Dabadeedna halkii ayaa laysla oogsdey sacab iyo mushxarad ku dhuftey isagoo aanu xasan wixii hore ogeyn balse waa yaabey xasan ciise nimankii fikrada naga dhaadhcinaayeyna sidii bisaas oo kale ayey kuraastii ugu dhageen una aamuseen.

Bal akhristow hadalkaasi ma diidma mise waa yeelmo?

DIIDMADA DOWLADU MA KEENIN MANA DOONAYNIN– Diimada waxa keenay, ka dib markii dawlada lagu aamini waayay masiirka dadka, waxa dadka hormood u noqday, qaylo dheerna ku dhuftay Dal-jiradii Dahsoonaa sida Xasan Ciise, Boobe Yousuf, Cabdisalaan Yaasiin prof. Gees , Cali Gurey iyo qaar kaloo badan. Waxa gadooday shicibkii dabadeed dowladii oo laba dible u xidhan ayaa tidhi MAYA, MAYA, MAYA.

Hada waa shicibkii mar hore waayay karaamadii dawladnimo, waa kii waayay Dimuquraadiyadii u muddada haystay. Dawladu waxay ahayd inay duudsigaa hore ku e kaato oo aanay isu qaadan inay waxay doonto samayn karto.

Bal hada u fiirso, saddexda shir ee aynu mahadinay, waa saddex shir ama goobood oo u madaxwayne Siiraanyo aanu hogaankeeda laheyn.

Bal hada mar labaad u fiirso, saddexda shir ee aynu eednay, waa saddex shir ama goobood oo madaxwaynuhu shir gudoominayay. Cajiib.

Mar hadii hogaankiisii sidan ku sifoobay waxay ila tahay in uu xisbigiisuna wasakhoobay. Si toos ah ama si dadban ayuu Kulmiye shirarka uga qayb qaatay. Kulmiye iyo Siiraanyo waa laba aan la kala qaadi karin, waxay isku noqdeen sidii Jordan iyo boqor xuseen isku noqdeen ama ay isugu milmeen.

Murti qalaad aya waxay tidhaa; ’If you can’t trust The Messager, How can you Trust The Message‘ oo macneheedu yahay mar hadii aanad rumaysnayn fariin sidaha, sidee baad u rumaysan kartaa fariinta u sido. Kulmiye waxa u ahaa fariintii Siiraanyo, waxanay ila tahay in labadu isku mid yihiin.

Xisbigan markii u ina so galay waxa la odhan jiray Kulmiye, balse hada waxa u sameeyay tadawir iyo isbadalyo fara badan. waxanu isu badalay;

Qudhmiye— waxanu qudhmiyay dawladnimadii, marki u la dhex yimi reernimo. Waxa u ku darsaday in u noqdo Dulmiye— marki u dulmiyay doorashooyinki wadanka ka dhacay. Hadana waxa u noqday Darbiye, kadib markii wasiiradiisa qaar ka mid ahi ay ku sifoobeen kuwii ugu beenta badnaa abid. Waxa u hadana noqday Firdhiye— marki u wadanka u qayb qaybiyay ardaayo iyo beelo.

Waxa kaliya ee u hadhay waa laba isbadal ama tadawir. waxaanay kala yihiin; Qarxiye– in u dagaal ka rido wadanka dabeetana u dib ugu noqdo magiciisii hore ee Kulmiye si u u kilmiyo labada wadan, sona celiyo midnimadii.

Qormooyin dambe ayaan idiinku soo gudbindoonaa shirarka

206011_181823751884078_932148_n

DHAMAAD

GUUL ALLA.

Comments are closed