|

Shir lagaga Hadlayo Wax ka Qabashada Daawooyinka Xoolaha oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 20.May (SDN) kullan lagu falanqaynayo wax ka qabashada Tayada Dawooyinka Xoolaha ayaa maanta ka furmay magaalada Hargaysa.

Kullankan oo soconaya muddo maalin ah oo ay iska kaashadeen wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somaliland iyo Haya’da DAI ayaa waxa ka qayb qaadanaya ganacsatada Dawooyinka xoolaha oo ka kala yimi Gobalada Dalka, kuwaas oo kulankan ku darsaya waxyeelada dawooyinka Tayadoodu hoosayso u leeyihiin cafimaadka Xoolaha iyo sida looga hortagi karo saamaynta arintasi ay ku yeelan karto cafimaadka Guud ee Bulshada .

Agaasimaha Guud ee wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr.Maxamuud Axmed Cagaweyne oo furitaankii aqoon korodhsigan ka hadlay ayaa sheegay in kulankani qayb ka yahay dedaalka wasarada Xananada xoolaha ee ku wajahan daryeelka xoolaha nool oo ah lafdhabarta Dhaqaalaha Dalkeena, waxaana ka qayb galayaasha uu ku booriyay in ay ka faaiidaystaan kuna dhaqmaan duruusta ay aqoon isweydaarsigan ka korodhsadaan ee la xidhiidha ganacsigooda dhinaca dawooyinka xoolaha.

Agaasimaha Guud waxa uu Intaas ku daray inay Tababarkan ay Bixinayaan Macallimin Khibrad dheer u leh arrimaha Xoolaha iyo Daawayntooda .

Geesta kalana wariyayasha caanka ah ee kala ah Axmed Xasan Cawke iyo C/salaam Ibraahin Herari oo casharo ka bixinaya aqoon korodhsigan kana hadlay furitaankii  ayaa tilmaamay doorka xoolaha nool ee dalkeenu ku leeyihiin dhaqaalaha dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in mudnaanteeda la siiyo daweyntooda iyo daryeelkooda guud ahaanba iyaga oo xusay waxyeelada caafimaad ee ka soo gaadhi karta dawooyinka waqtigii isticmaalkooda dhaafay iyo kuwa dayacmay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed