|

Mudanayaasha Golaha Guurtida oo loo Qaybiyay Wax ka bedelka Xeerka Qareenada iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo hortagaya Guurtida

Hargaysa 20.May (SDN) Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Jamhuriyadda Somaliland oo uu shir- Guddoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Mud, Saleebaan Maxamuud aadan, ayaa  mudanayaasha waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista  Xeerka Qareenada ee Xeer Lam,30/2004.si ay uga soo baaraan degaan mudanayaashu ka hor inta aanu Goluhu guda gelin meelmarintiisa.

Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Qareenada  Lambar 30/2004 waxa Golaha Guurtida  hore ugu soo Gudbiyey Golaha wakiiladda oo iyagu  soo ansixiyey  kaabista iyo wax ka-bedelka Xeerkaas.

Qodobada kaabista lagu sameeyey ee xeerkan waxa ka Mid ah:

–         Qodobada 2aad faqradiisa 2aad,6aad faqradiisa 1aad xubinta”F”

–         Qodobka 14aad faqradiisa 1aad iyo Qodobada 15aad,16aad,17aad Iyo 23aad .

Gudoomiyaha  Golaha Guurtida Mud.Saleebaan Maxamuud aadan ayaa  Qaybinta  Nuqulkaa Xeerka Qareenada ka dib waxa uu mudanayaasha ku wargeliyey in   maalinta Sabtida ah uu Golaha hor iman doono Wasiirka wasaarada Arimaha dibadda Dr,Maxamed C/llahi Cumar oo imaatinkiisa goluhu ka mid ahaa ajandaha qodobada Kalfadhigooda 50aad.Isagoo mudanayaasha ka dalbaday inay soo Naaqishaan Qodobada Xeerkan qareenada Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed