|

Dowladda Chana oo sheegtay in ay taageerayso dowladda Soomaaliya

Accra May 20 2013 (SDN)— John Dramani, Madaxweynaha dalka Chana ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’antahay taageerida dowladda Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa xasilooni iyo kala danbeyn.

Madaxweynaha Chana ayaa tilmaamay in shirka Midowga Africa ee ka dhici doona Addis Ababa la horgeen doono arrimaha Soomaaliya iyo sidii dowladda Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa.

John Dramani John Dramani ayaa carabka ku dhuftay in dalkiisu uu diyaar u yahay ka qeybqaadashada Nabadeynta dalka Soomaaliya.

Mr John Dramani Mahama ayaa hoosta ka xariiqay in wadanka Soomaaliya uu saameyn ku yeeshay dagaal soo bilowday sanadkii 1991,markaasi oo dowladii dhexe meesha ka baxday Nidaamkii dalka uu lahaana daadka qaaday.

Si Kastaba dalal badan oo Afrika ah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin garab istaagida dalka Soomaaliya oo ay hada ka jirto dowladda Rasmi ah.

SDN-Accra

Comments are closed