Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya oo gaaray Khartoum lana kulmay dhigiisa wadanka Sudan (Sawirro)
Khartoum May 20 2013 (SDN)– Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa gaaray Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan,markii ay casuumaad ka heleen dhigiisa dalkaasi.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Guddoomiyaha maxkamada Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Col Muungaab.
Wasiir Fiqi ayaa la filayaa inuu kulan la qaato dhigiisa dalkaasi ayna kawada hadlaan arimaha labada dal iyo Gaashaandhiga.
Dowladda Sudan ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ka taageerta arimo kala duwan oo ugu horeeya dhanka ciidanka xooga dalka iyo dib udhiskooda.