|

Ciidamada Nigeria oo hareereeyay Saldhigyo ay leeyihiin Kooxda Boko Xaram

Midiguri May 20 2013 (SDN)— Ciidamada dowladda Nigeria ayaa waxa ay hareereeyeen saldhigyo ay kooxda Boko Xaram ku leedahay Magaalada ay ku badan yihiin ee Midiguri oo ku taalla Waqooyi-Bari dalka Nigeria.

Afhayeenka Ciidamada howlgaladda kawada Waqooyi-Bari Nigeria ayaa sheegay in dagaalyahanada Booko Xaram ay kala firxanayaan islamarkaana ay gacanta ku dhigeen qeybo badan oo ka tirsan saldhigyadii ay ku lahaayeen Magaalada Midiguri.

Gobolka Borno ee waqooyi bari dalka Nigeria ayaa ka mid ah meelihii madaxweyne Goodluk Jonaton uu bandowga ku soo rogay waxaana Magaalada Midiguri ay tahay caasimada gobolkaasi iyadoo sidoo kale ah halkii laga soo aasaasay kooxda Boko Xaram.

Howlgalka ka dhanka ah Boko Xaram ee hada ka bilawday dalka Nigeria gaar ahaan waqooyi bari ayaa u muuqanaya mid looga goleeyahay ciribtirka kooxdaasi.

SDN-Midiguri

Comments are closed