Madaxtoyada dowladda Soomaaliya oo xalay hoobiyayaal lagu weeraray
Muqdisho May 20 2013 (SDN)— Xalay ayaa dhismaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraray tiro madaafiic kuwaasi oo dhawaqooda laga maqlyay qeybo kamid ah degmooyinka gobolkan Banaadir.
Madaafiicda lagu garaacay dhismaha Madaxtooyada iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa hoobiyayaal aan la garaneyn halka sida rasmiga ah looga soo tuuray laakiin waxaa tiradooda lagu sheegay in ay gaarayeen ilaa iyo 7-madfac.
Dad ku sugan degmad Wardhiigley oo ay Madaxtoyada Villa Soomaaliya kutaallo ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen dhismayaal madaxtooyada ka so keeya inastoo aan wax qasaaro ah la soo warin.
Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlayay hugunka madaafiicda oo ahaa kuwo ku soo daadanayay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada.
Dhawaqa Madaafiicda lagu tuuray Madaxtooyada ayaa soo bilaawday wixii ka danbeeyay labadii habeenimo waxaana ay socdeen ilaa iyo siqdhexe oo xalay aheyd.
Degmooyinka 18-ka ah ee gobolkan Banaadir ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda, waxaana dad badani ay la yaabanyihiin sida arrintani ay ku dhici karto.
Ma ahan markii ugu horeysay ee hoobiyaya lagu garaaco dhismaha Madaxtoyada laakiin dowladdii tan ka horeysay ayaa dhawrjeer lagu soo tuuray hobiyayaal dad barkacayaal ah ay wax ku noqdeen.
SDN-Muqdisho