|

Tuulo u dhaw Magaalada Jowhar oo xalay la gubay, Maxaa qasaaro ka dhashay

Jowhar May 20 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ku waramayaan in Tuulo u dhaw Jowhar ay xalay gubatay.

Tuulada gubatay oo lagu Magacaabo Mayuungaale ayaa duleedka Bari ka xigta Magaalada Jowrhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, waxaana dabkii xalay ka kacay Tulaadaasi uu qasaaro xoog leh u geystay hanti badan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dabka laqabad siiyay Tuulada uu ku dhawacmay 1-ruux, islamarkaana guryo badan ay ku gubteen kuwaasi oo ay la haayeen dadka tuulada ku noolaa.

Lama hubo sababta rasmiga ah ee ka danbeysay dabka la qabadsiiyay Tuulada, laakiin xiisado u dhexeeya labo beel oo halkasi wada daga oo beeraley ah ayaa maalmihii danbe ka jirtay deegaano Jowhar u dhaw.

SDN-Jowhar

Comments are closed