Xafladii xuska 18 may ee sanad guurada 22 aad ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii dowladnimada Sland Ka dhacday ugandha + iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga ucid kala qayb galay shacabka Sland ee ku dhaqan ugandha
(KampalaSDN) Xaflad aad maqaamkeedu sareeyo oo lagu dabaal dagayey sanad guurada 22 aad dib ula dib ula soo noqoshada dowladnimada jamhuuriyadda Somaliland oo ka dhacday dalka ugandha caasimadiisa kampala gaar ahaan hotelka caalamiga ah freedom city , xaflada xuska 18 may oo ahyd mid ay ka soo qayb galeen madax sare oo ka kala socota shacabka jamhuriyadda Somaliland waxaana madaxda ugu tunbuurna oo hogaaminayey musharaxa xisbiga cadaalada iyodaryeelka ee ucid Pro abdi Rashid xasan mataan ,waxa kale oo ka soo qayb galay wakiilka Somaliland ee dalka ugandha abdilaahi guhaad,waxa kale oo ka mid ahaa xubin kamida golaha dhex xisbiga kulmiye Mohamed faroole iyo hogaanka jaliyadda iyo ardayda dalka ugandha guddomiyaha dalada sonyo xasan miisan iyo marti sharaf kale oo badan .
Xafladan oo ahyd mid maqaamkeedu aad uu sareeyey oo ahayd mid aad uga tun weyn xafladii hore ka dhici iray dalkan ugandha waxaana ka qaybqaatay dad tiradooda ahayd dhowr kun oo qof dhamaan kulan bisan midabada quruxda badan ee calanka jamhuuriyadda Somaliland oo mar kaliya wada ifaaya waxaan ainta dheerayd farxada dhaman shacabka Somaliland wajiyadooda laga dheehanayey ,waxa inta dheerayd iyado ay meeshan ka madhnayn gabayo iyo heeso logu talagay sanadkan oo hada dawaha laga qaaday oo isla madasha quruxda badan laga qaaday kuwaas oo uu sameyey abwanka weyn ismail xandule oo goobta ku sugna.
Waxa inta sii dheera iyado qaybta daraamada ee jamhuuriyada Somaliland ku soo bandhigeen isla madasha riwayadaas oo ka turjumisay waqtiyada kala gadisan ee shacabka amhuuriyada Somaliland soo martya midaas oo ay aad ula dhaceen shacabka jamhuriyadda somalilandmasha quruxda badan ku sugna ,waxa iyana dadku aad ula dhaygagen video loogu so bandhigay hortooda halkaas oo laga dheehanayye tariikhda jamhuriyadda Somaliland iyo dimiquradiyada Somaliland iyo asxaabta badan iyo haykalka dowlada Somaliland oo ah mid dhamystiran .
W axa kale oo aan marnaba la halmaami Karin iyana aad luga qayb qaatay xafladan xuska sanad guurada 22aad ee ka soo wareegtay dib ula so noqoshadii dowladnimadi soof daran haboowday lixdanki labada guddomiye eek ala ah gudomiyaha ardayda Somaliland iyo guddomiyaha jaliyada dalka ugandha Md saleeban iyo Md saciid.
Waxa iyana madasha la gudoonsiiyey shaahadooyin musharaxa madaxweyne kuxigeen xisbiga ucid Md abdi rashiid xasan mataan oo ahaa masuulka aad uga shaqeeyey xuskan 18 may waxa kale qaybaha jaliyada dalka ugandha la guddonsiiyey shahadooyin siyaabo kala gadisan loo gudoon siiyey .
Hadabo anago SDNahaan idin soo gudbin doona madaxdii faraha badnayd madasha ka hadashay qudbadohooda oo maqal iyo muqaal ahba hada waxaanu idin soo bandhigi doona hordhaca xaflada dabaal daga qaranimada Somaliland ee ka dhacday dalka ugandha caasimadiisa kampala.
Ugu horeyn aanu idin soo gudbino Qudbadii tariikhiga ahyd ee uu madasha dabaal daga 18 may uu ka soo jeediyey musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga ucid Md Pro abdi Rashid xasan mataan. Waxanay iayado video maqal iyo muqaalba ha aanu sacadaha soo socda idin soo update garayn doono hada iayado qoraal ah naga hantiya,waxaanu qoadabada uu ka hadalay masuulkani ka mid ahaa inay caalamku Somaliland aanay ilaa hada accept garayn oo ay iska idnha tirayaan haykalka iyo guula isdaba jooga ah ee ay gadhay ay tahya inay maqaal arkaan ,wixi shanta somaliya isku odhan jirayna ay manta mid waliba tahay dowlad gaar ah Somaliland ay xaq iyo xeer labadaba uu leedhy inay ka mid noqoto dowladaha caalamka ,waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay Somaliland ahaan ay ahaayen kuwi doonay midnimo somaliyeed lakiinbu yidhi lagu hungoobay darbi waliba hadu so dumo Somaliland aanay dib uu labaan doonin ,hadabo qudbada musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee ucid uuna ka hadalay qoadabo badan oo sheegay qiimaha ay maalintan qaran leedahy waxaanu iyado maqal iyo muqaal ahba naga fla goor dhow insh alaah iyo waliba qudabadii kale madaxda madasha ka hadashay ee ka so qayb galay xuska malintan qaran .
Dhanka kale waxaanu idnku wargalinayna dhamaan akhristayasha iyo dhagaystaysha sharafta badan naga mudanow tvga qaranka jamhuuriyadda Somaliland Somaliland national televion shabakada caalamaig aee SDNnews oo si wada jir ah uu baahinaya xuska axafladai xalay ee ka dhacayday dalka ugandha caasimadiis adalka ugandha ,waxaana majarha iyo daadihiinta shookanta uu hayn doona wariye khaddar bitijoor .
Hadabo dhamaan macamisha sharafta leh eek u xidhan shabakada SDNwaxanu idin lenahy waxaad naga dhowrtaanba waxa weeye sida habsamida ah oo maqal iyo muqaalba ah iyo waliba qoraal inaanu si habsami ah idin ku soo gudbin doona .
Dheeraadka xafladan goor dhow filo insha alaah
Wabilaahi towfiiq
+256791661106
WARIYE khadarbitijoor
OFFICE UGANDHA SDNNEWS