Xoghayaha Fulinta Gobolka Maroodijeex Oo Bogaadin u diray Shacabka Gobolka Maroodijeex ee ka qayb galay Xuskii 18 May
Hargeysa 19.May (SDN): -Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Md. Xamse Ciise Cabdi ayaa ku bogaadiyey guud ahaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaana shacbi-weynaha Gobolka Maroodi-jeex sidii qiimaha iyo maamuska weynayd ee ay ugu dabaal-dageen Xuska sanad-guurada 22aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland xornimada dib ula soo noqotey 18 May, iyo sidii nabadgelyada ahayd ee ay ku soo gebogabowday.
Sidaa waxa uu Xoghaye Xamse ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo saarey,isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan.
Waxa kale oo uu qoraalkiisan Xoghayuhu ku soo bandhigay kaalintii wax-qabad ee Gobolku ka qaatey xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-May.
Xohaye Xamse Ciise waxa uu ku bogaadiyey shacabka reer Somaliland sidii weynayd ee ay cuddudooda ugu muujiyeen maalinta madax-banaanida Somaliland ee 18 May, waxaanu yidhi “Waxaan ku bogaadinayaa shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan sidii muwaadininimada iyo waddaniyada lahayd ee ay ugu dabaal-dageen xuska maalinta qaranimada Somaliland 18 May oo ahayd 22-guuradii ka soo wareegtey markii ay Somaliland xorriyada dib ula soo noqotey., si gaar ah waxa aan hambalyo ugu dirayaa: Cuqaasha Gobolka Maroodijeex, oo kaalin mugleh kaa qaatay, dabaal degga xuskan, Ururada Bulshada rayidka ah Saxaafadda Madaxa bannaan iyo ta dawladda, Ganacsatada iyo guud ahaan ciidamada oo si firfircoon oo oo xilkasnimo leh u sugay amaanka. Shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba waxay sanadkan u xuseen 18 may sidii hore si ka duwan oo cod dheer ayey bulshada caalamka wada-gaadhsiiyeen,iyaga oo mideysan, isla markaana ku dabaal-dagaya astaanka qaranka Somaliland oo ah calanka Somaliland ee sadexda midab leh oo ay dadka qaar dhamaantiiba ku la-bisteen, halka qaarka ay jeeniqaar u xidheen, baabuurtii oo lagu buufiyey calankii Somaliland, Koofiyado calankii Somaliland ah, dhamaan dadka shucuurtooda waxaad ka dheehanaysay farxad iyo niyadsami,iyaga oo midba midka kale ku salaamayey ‘Ciid Muraabig” “Macal-ciideyn”, waxa kale oo garab socotey heesaha waddaniga ah ee ay dadku dhageysanayeen oo dhamaan mobile-da lagu sitey. Xuskan sanadkan looma kala hadhin xukuumad, shicib yar iyo weyn, ciroole iyo caruur-ba , waxaan ILAAHAY uga baryayaa qaranka Somaliland inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Ictiraaf iyo horumar lagu badhaadho.
Haddii aanu nahay xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay muujisay kalsoonidii shacabka iyo weliba hankii iyo himiladii ay shacabku u igmadeen xukuumada,taas ay maanta qaadayna midhihiisa waad aragtaan, waa in xukuumada taageerada sahacabku sidan oo kale muujiyaan, taasina keenaysa horumarka iyo hiigsiga aynu hiigsanayno. 22-sanadood ee ay Somaliland jirteyna maanta ayuunbey halkii la doonayey gaadhay, inta inoo hadhsana waxaynu kaga gudbi karnaa isku-duubni, iskaashi iyo wada-shaqeyn xukuumada la isla garab-taago oo inoo horseedi doonta dhabaha”
Gobolka Maroodijeex ayaa shalay wacdaro ka muujiyey dabaal-dega xuska sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegtey dabaal-dega maalinta qaranimada Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com