|

Fowziyo Yuusuf Xaaji oo dalka dib ugu soo laabtay, lana kulantay wafdi ka socday Jaamacada Carabta

Muqdisho May 19 2013 (SDN)– Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho ay ku joogtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadadn oo warbaahinta Afka dowladda kula hadashay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Aadan Cade ayaa waxa ay sheegtay in Mas’uuliyiinta Kenya ay kala hadashay xiriirka labada dal iyo sidii wada shaqeyn balaaran ay u dhexmari laheyd Xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.

Dhanka kale Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Ayaa Madaarka Muqdisho kula kulantay wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo maalmihii la soo dhaafay dalka booqasho ku joogay islamarkaana maanta anbabaxayay.

Fowziyo ayaa wafdiga Jaamacada Carabta kala hadashay arrimo muhiim ah oo quseeya xaalada dalka waxaana ay u sharaxday arrimo badan oo dalka ku aadan.

Si Kastaba Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa wafdigii Madaxweynaha ee Shirkii London ka qeygalay uga hartay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed