Shabaabka oo ka Jawaabay Hadal Dhawaan ka soo yeedhay Xasan Daahir Aweys
Muqdisho May 19,2013(SDN)-Xarakada Al Shabaab ayaa Jawaab ka bixisay hadalo ay sheegeen in ay ka soo yeereen qaar ka mida xubnaha sare ee xarakadaas oo lagu kala qeybinayo dagaal yahanada.
Qoraalka oo markiisii hore Carabi lagu soo bandhigay ayaan cidna lagu carab dhabin balse u muuqda in uu jawaab u yahay hadal dhawaan ka soo yeeray Xasan Daahir Aweys oo uu ku dhaleeceeyay madaxda sare ee Shabaabka.
Qoraalka Shababaka ayaa sidan u qoraa;“Muddooyinkii u danbeeyay waxaa aragnay codka qaar ka mid ah fitnawadayaasha oo sare u soo baxay, kuwaas oo Umadda khilaaf kala dhex dhigaya si midnimadoodii loo waayo, oo meesha uu ka baxo Jamacii iyo Jamaacadii, inagoo og in diinteedu ay reebtay kala tagga iyo furqada.
ALLAH Cazza Wajalla wuxuu yiri:
وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَاصْبِرُوا إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ (46) ﴾، الأنفال
Shakina kuma jiro in tani ay tahay Sunnada kala sooca iyo imtixaanka oo ay u soo joogeen kuwii Iimaanka inagaga horeeyay, waana tijaabo soo martay masiirada Jihaadka, ayna la kulmeen dadkii sabqiga lahaa kuwaas oo markiiba wax ka qoray islamarkaana waddo la raaco u dajiyay si looga hortago fitantaas oo loo damiyo, asal ahaan qofka Muslimka ah marka arrimahan oo kale ay yimaadaan waxaa ku haboon inuu ula laabto hadalka ALLAH Cazza Wajalla ee ahaa:
﴿وَإِذَا جَاءهُمْ أَمْرٌ مِّنَ الأَمْنِ أَوِ الْخَوْفِ أَذَاعُواْ بِهِ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى الرَّسُولِ وَإِلَى أُوْلِي الأَمْرِ مِنْهُمْ لَعَلِمَهُ الَّذِينَ يَسْتَنبِطُونَهُ مِنْهُمْ وَلَوْلاَ فَضْلُ اللّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لاَتَّبَعْتُمُ الشَّيْطَانَ إِلاَّ قَلِيلاً (83)﴾، النساء.
Waxba yaan la dhaawicin kalsoonida aad ku qabtaan hogaanadiina, ALLAH baan ku dhaaranee, waxna meysan badalin oo marna mey weecan, naf-hurkooduna wuu sii soconayaa oo cadowgooduna wuu sii badan, sidii aad kaga barateena dadaal ma reebanayaan ilaa raayaatka Towxiidku isu tagaan oo Khilaafadii Islaamka istaagto, waxaana inagu filan in ka hor dadka na jecel uu cadowgu u qirayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab horumarrada ay dhinacyo badan ka sameysay, haddii aaney taasi jiri laheyna,ciidamada intaas la eg reer galbeedku sooma dagaal geliyeen,oo lacagaha sidaa uma farraqeen, shirarka joogtada ahina ma qabteen
Waxaan baraarujineynaa in qoraalladii lagu baahiyay bogagga qaar ee suurad xumeynaya Jihaadka Soomaaliya iney ahaayeen kuwo aad xaqiiqada uga fog, oo been abuurro laga buuxiyay ka dibna loo adeegsaday xogaha qaar si aan xaqiiqada aheyn, waxey aheyd Xaqaa’iqda oo lagu daboolayo xiqdi, uur-ku qaad iyo wax jecleysi, waxaana wax laga xumaado ah in been abuuradaas ay yimaadeen waqti ay Mujaahidiintu safkooda hore u mideeyeen”.aya lagu soo gunaanaday qoraalka.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com