Xafladii May 18 ee Adis Ababa oo Somaliland iyo Soomaaliya la isku laayay iyo qolamaa Xabsiga loo dhaadhicyay?
Adis Ababa May 18,2013(SDN)-Xafladii lagu weyneynayay sanad guuradii 22aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqashadii madaxbanaanida Somaliland ee dalka Itoobiya ayaa waxa gacata isku saaray Jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaaliya ee kuwada nool dalkaasi.
Xaflada oo ka dhacday xaafada Bole ee ku taal magaalada Adis ayaa waxa dagaal koobani uu ku dhexmaray Jaaliyada reer Somaliland oo u dabaaldegeysay munaasibada May 18 iyo jaaliyada reer Soomaaliya oo goobta is keenay.
Dagaalka oo muda kooban socday ayaan geysan wax khasaare ah oo sidaa u sii balaaran.
Ciidamada Amaanka ee dawlada dhexe ayaa degdeg ku gaaray goobta ka dibna kala dhex galay dadkii xurguftu dhex martay.
Baaritaan kooban ka dibna waxa ay ciidamu goobta ka kexeeysteen tiro ka mida dadkii reer Soomaaliya ee madasha ku dagaalamay.
Ciidamada amniga ee dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa mudo sii joogay goobtii xafladu ka socotay.
Ma cada sababta dagaalku ka aloosmay,jaaliyadaha Soomaalida iyo kuwa reer Somaliland ayaa munaasibadaha wada jir uga wada qeyb qaata tiyoon wax dhibaato ahi dhici jirin.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com