Wafdigii IGAD oo la kulmay qaar kamid ah Ergadii dooratay Axmed Madoobe
Kismaayo May 19 2013 (SDN)– Xilli shalay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ay gaareen wafdi ka socday Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxa ay wafdigaasi kulamo xog wareysi ah la qaateen qaar kamid ah ergada soo dooratay Axmed Madoobe.
Nabadoon Dhaqane Amiin oo kamid ah xubnaha odayaasha ee kulanka la qaatay Wafdiga ka socday IGAD ayaa sheegay in ujeedka guud ee kulanka uu ahaa xaqiiqo raadin ku saleysan arimaha doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo.
Wuxuu sheegay in dhamaan Salaadiinta iyo Odayaasha saddexda Gobol ay meesha ku sugnaayeen kulanka wafdiga IGAD ay qeyb ka ahaayeen.
Nabadoonka ayaa sheegay in wafdiga IGAD ay su’aalo weydiinayeen xubnaha Odayaasha ah su’aalahaasi oo ku saabsanaa qaabka ay udhacday doorashada iyo in Shacabka Jubbooyinka ay udhan yihiin doorashadii Axmed Madoobe.
Inkastoo dhanka Wafdiga IGAD aan war laga hayn dhankooda waxa ay meesha ka idhaahdeen ayaa hadana Wafdigan wuxuu utagay Magaalada ukuurgalka sidii ay udhacday doorashada Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay sheegay in dhamaan maamulada looga dhawaaqayo Jubbooyinka ay yihiin kuwa aan sharciga waafaqsaneyn.