|

Haweyney Siyaasiyad ah oo kooxo hubeysan ay ku dileen dalka Pakistan

Karachi May 19 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in Rag Hubeysan ay Toogteen Zahra Shahid Hussain oo aheyd Siyaasi ka tirsanaa Xisibiga Dhaq-dhaqaaqa Cadaalada ee uu hogaamiyo Xidigii Kirikitka ee Imran Khan.

Dilka Haweyneydan ayaa ka dhacay Magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan waxaana lasheegay in xilliga la dilayay ay ku sugneed banaanka hore ee gurigeeda iyadoo la tilmaamay in Raga dilka geystay ay Mooto wateen.

Hogaamiyaha Xisibiga Dhaq-dhaqaaqa Cadaalada (PTI) Imran Khan ayaa dilka Zahra Shahid Hussain ku eedeeyay hogaamiyaha xisibiga MQM oo uu fadhigiisu yahay Magaalada lonodon.

Laakiin hogaamiyaha MQM oo isna hadlay ayaa beeniyay in ay ku lugleeyihiin dilka Siyaasiyada Zahra Shahid Hussain.

Falkan ayaa imaanaya xilli Sabtidii la soo dhaafay ay dalkaasi ka dhacday doorasho Barlamaani ah oo ay xisibiyadaan ku tartameen.

Comments are closed