“Waa Inaan Gefka Qof ka Dhacay Qabiil laga dhigin, aynu Qofayno, aynu Walaalnimadeena Ilaashano”Wasiirka Arrimaha Gudaha {DHAGAYSO}
Burco 18.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland oo ka mid ahaa Xubnihii Golaha Wasiirada ee Shacabka Magaalada Burco kala qayb galay Xuska 22 Guurada ka soo Wareegtay Markii Magaalada Burco lagaga dhawaaqay Gooni isu taaga Madax banaanida Somaliland ayaa u soo Jeediyay Bulshada ku Nool Magaaladaas inay Adkeeyaan Qaranimada Somaliland .
Wasiirka Arrimaha Guduhu Waxa uu u mahadnaqay Ciidamada Amaanka ee Sugida Amaanka Wadanka Ku hawlan,Waxaanu Xusay in nabadu leedahay Cadow Ma Tudhaan ah oo aan Daynayn Culimada,Madaxda,Bulshada iyo Warbaahinta Wasiirka oo u duur xulaya Shacabka Ku Nool Magaalada Burco oo dhawaan uu ka dhacay Mudaharaad Salmi ah oo Khasaare dhimasho ka dhashay ayaa Sheegay in qofku uu Gefi karo isla markaana loo baahan yahay inaan Gefkaas laga dhigin Mid Beeleed hasa yeeshee ay haboon tahay Sida uu Yidhi in Gefkaas la qofeeyo oo lagu Koobo kii Galay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DUURMAYBURCO.mp3″]
Burco SDN.
Qurbejoog.com