Xasan Sheekh oo ka haday Somaliland oo maanta u dabaaldageyso 22-sano oo Somaliya ay ka go’neyd
Muqdisho May 18 2013 (SDN)— Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlay Munaasabad lagu furayay Mashaariic dowlada Turkigu ka fulineyso Soomaaliya aya soo hadal qaaday Somaliland oo maata u dabaal dageysa 22-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kalae.
Madaxweynha Soomaaliya ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin lahaa midnimda umada ayna tahay in meel la iska dhigao waxyaabihii la soo dhaafay lagana fikiro mustaqbalka soo socda.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in wixii dhacay la iska iloobo loona soo jeesto midnimo in hormar Soomaalinimo ka danbeyso waxaana uu carabka ku adkeeyay in dowladiisu ay ka go’antahay soo celinta walaalaha Somaliland sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Jamhuuriyada Somaliland ay u dabaal dageyso 22-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay ku dhawaaqday in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale.
SDN-Muqdisho