|

Bashiir Goobe iyo Porf Samatar oo xillakoodii dad kale loo dhaariyay

Muqdisho May 18 2013 (SDN)– Kulankii Maanta xildhibaanada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Xarunta golaha shacbiga ayaa waxaa lagu dhaariyay xildhibaano cusub oo barlamanka ku soo biiray.

Xildhibaanadan ayaa tira dooda waxa ay gaarayeen Labo Xildhibaan waxaana lagu hordhaariyay Barlamanka ka hor intii aan laguda galin kulankii maanta.

Xildhibaanadan cusub ayaa waxa ay bedeleen boosaskii Generaal Bashiir Goobe oo ah hada Agaasimaha hay’adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed oo lagu bedelay Qaasim Maxamed Jaamac,sidoo kale waxaa goobta lagu dhaariyay Xasan Muxumed Cali oo isna lagu bedalay Axmed Ismaaciil Samatar.

Tan iyo markii uu barlamankan cusub howl bilaabay ayaa waxaa jiray xildhibaano badan oo iska casilayay xubinimadooda iyadoo dadkale loo dhaarinayay.

Waxaa xusuus mudan in dhibaato badan laga marayay xilligii doorashada dowladdan hada jirta ee xildhibaanada la soo xulayay sida xilbaan lagu noqdo hadana waxa ay mareysaa in la iska naco.

Comments are closed