|

Wafdigii ka socday Urur Goboleedka IGAD oo gaaray Kismaayo

Kismaayo May 18 2013 (SDN)– Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa gaaray Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD oo saakay ka anbabaxay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga IGAD oo ah mid balaaran ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu hogaaminayay Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin, iyadoo lagu wado in ay la kulmaan Axmed Madoobe iyo dadka deegaanka.

Wafdigan oo ah mid xaqiiqo raadin ah ayaa la sheegayaa in hada ay kulan la leeyihiin Mas’uuliyiin kusugan Kismaayo iyadoo sidoo kale lagu wado in ay booqdaan xarumo muhiim ah oo Magaalada kuyaalla.

Mas’uuliyiin ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in wafdiga IGAD ay la kulmi doonaan qaar kamid ah dhinacyada sheegtay in ay madax  kayihiin Maamulo looga dhawaan Magaalada Kismaayo.

Wafdiga IGAD ayaa shalay la kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaana Magaalada Kismaayo kaga horeeyay wafdi ka socday dowaldda Soomaaliya oo uu soo magacaabay Ra’iisul wasaarae Saacid.

Comments are closed