Barlamanka Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Jaamacada Carabta
Muqdisho May 18 2013 (SDN)– Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Arrinta golaha Shacbiga Magaalada Muqdisho ayaa waxa halkaasi ugu yimid Guddoomiyaha Baarlamaanada carabta, kaasi oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanada carabta, isgaoo sheegay in ay wax weyn tahay in madax sidan oo kale ah ay soo booqdaan Magaalada Muqdisho.
Axmed Maxamed Jarwaani Guddoomiyaha Baarlamaanada Carabta oo hadal ka horjeediyay Barlamanka Soomaaliyee da ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu maanta la kulmo barlmanak Jamhuuriyada Soomaaliya oo uu sheegay in ay hormar badan sameeyeen.
Wafdiga ka socday Baarlamanka Carabta oo shalay soo gaaray Magaaalada Muqdisho ayaa xalay casho sharaf waxaa u sameeyay Gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof Jawaari.
Waa markii ugu horeysay oo uu Muqdisho yimaado Axmed Maxamed Jarwaani Guddoomiyaha Baarlamanada Carabta.