Halkan ka Akhriso Khudbadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka Jeediyay Munaasibada 18 May
Hargaysa 18.May (SDN) Khudbad dheer oo Garnaqsi iyo Muujinta Waxa ay Qabsadeen Shacabka Somaliland ayaa Madaxweyne Siilaanyo uu Maanta ka jeediyay Barxada Hore ee Xarunta Madaxtooyada taas oo uu kaga Waramay Guulaha ay Somaliland ku Talaabsatay iyo Sida ay uga Go’an tahay inay Sii adkayso Wax kasta oo ay kaga Midho dhalinayso Qaranimadeeda Dhiiga badani u soo daatay.
Khudbada Madaxweynaha ayaa u dhignayd Sidan: –
بسم الله الرحمن الرحيم
السلام عليكم ورحمة اللة وبركاته
“Dhamaan Bulshada reer Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa farxada maalinta Qaranimada JSL ee 18-ka May.
ü Guud ahaan waxaan dadkayga ku bogaadinayaa gudo iyo dibedba dabaal degga sannad guurada 22aad ee aasaaskii Jamhuuriyadda Somaliland.
ü Waxaan Ilaahay uga mahad celinayaa Nabad-gelyada iyo Nimcada uu ina siiyey iyo horumarka uu ina waafajiyey.
Waxaan idiin cadaynayaa in waddanka Somaliland yahay:
- Waddan xor ah, Nabdoon isla markaana Dimuqraadiya.
- Waa waddan ina deeqa oo inagu fillan.
- Waa waddan ay dadkiisu gacmahooda ku dhisteen.
- Waa waddan ay dadkiisu ilaashanayaan.
- Waa waddan ay Dunidu ixtiraamto.
Walalayaal waddan kasta waxa wax ka dhiga dadkiisa, waxaa horumar gaadhsiisa Ummadiisa, waddan wuxuu taabbo-galaa oo horumar ku talaabsadaa marka dadkiisu meel u wada jeesto, isku duubnaadaan una midoobaan Qaranimada.
Horumarka dalku waa halbowlaha koowaad ee aynu higsanayno, waxaa ogtihiin halka uu dhaqaalaha wadanku marayey waanad ka war-haysaan halka aanu gaadhsiinay, balse wali fari kama qodna, weli waxaanu u faydanahay sidii uu dhaqaalaheenu ugaadhi lahaa meel halkaa ka sii fiican. Waxaanan garwaaaqsanahay baahida jirta iyo heerka ay nolosha bulshadu marayso iyo duruufa kala duwan ee ay ku nool yihiin dadkaygu, waxaan garawsanahay, oo ogahay xilka iyo masuuliyada iga saran, cidina igama jecla inay gaadhaan nolol aad u fiican, waxbarasho, caafimaad, cunto iyo biyo ku filan, waxaanse ka xumahay in dadkaygu maanta dayaceen Xoolihii, Deegankii iyo waliba Beerihii!
Sidee baynu ku horumaraynaa hadaynaan ku tacbin dhulkeena? Hadaynaan u sabrin oo u dhididin Dhulkeena?
Walaalayaal, dunida maanta waynu isu furanay oo wufuud badan iyo dalxiisayaal kala duwan ayaa maalin walba ina soo booqda, Soomaalidu waxay tidhaa “hugaagu wuu kula marti tagaa”.
Waxaanu dib-u-dhis, dib-u-habayn iyo dhismayaal cusub oo bilic leh ku kordhinay xafiisyada wasaaradaha dawlada badankooda.
Waxaanu ka bilownay Caasimada wadooyin casri ah, si aynu ula tartano caasimadaha dalalka jaarka ah iyo kuwa dunida, in sha Allaahu goboladana waanu gaadhsiin doonaa. Waxaanu dardar gelinay dhismaha wadooyinka laamiga ah ee magaalooyinka isku xidha.
Waxaan idiinku baaqayaa inaad gacan ka gaystaan oo aydaan waxba kala hadhin mashaaricdaas kala duwan ee aynu ku talaabsanay fullintooda.
Beesha caalamka waxaan leeyahay, dadkaygu waxay u tashadeen aayahooda, dalkaygu wuxuu lasoo noqday Madax-banaanidiisi iyo Qaranimadiisii, Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn.
Bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay “Self Determination” sida Bulshada Caalamka intiisa kale. Dalkani maaha wax xalay dhashay, wuxuu leeyahay taariikh, waxaa dadkiisii u soo galeen halgan dheer, dedaal-kaas oo ay ku hanti-yeen gobanimadii 1960-kii, gumaystihii dalkooda kaga kiciyey gacmahooda iyagoo Rabi-good la kaashanaya.
Midnimada maanta la hadal hayo, dadkanaa horseed u ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo. Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5tii July markii uu Yusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey daboolka kaga qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii laga filayey Midnimadiina lagu Hungoobay! .
Waxay ahayd dhacdo aan la dafiri karin in Dastuurkii laysku raaci lahaa ee Somaliland iyo Somalia ku midoobi lahaayeen dadkii Reer Somaliland ay 90% ugu codeeyeen Maya “NO”, iyagoo Diidmo qayaxan kala hor yimid, balse nasiib daro dhagahaa laga furaystay, taasi waxay dhaxalsiisay inqilaabkii dhalinyaradii Saraakiisha ahaa ee reer Somaliland ay Xilligaas sameeyeen. Kaas oo bannaanka soo dhigay tabashadii iyo dareenkii reer Somaliland.
Gilgilashadaasi ismay taagin ee waxaa ku xigay Mudaharaadkii Macalimiinta ee loo yaqaanay “Bakayle-qalad” iyo is-casilaadii Wasiiradii reer Somaliland ee Xilka ka hayey xukuumadii Muqdisho.
Waxaanay ahayd Nasiib-daro in aan la tix-galin dareenkaa ee sida imikaba caadada u ah Somalia in dad Suuqa jooga oo aan metelin Bulshada Lagu Buuxsado kuraasta, waxay ahayd quustii ay dadka reer Somaliland israacii kaga talax-gabeen.
Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii dawladii digteetarka ahayd, cid dambana talo lama waydiin, waxaana lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko Durduuro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi karin.
Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh, oo aan la ilaawi karin diyaradiihii Hargeysa ka kacayey ee duqaynayey maatadii Hargeysa ay ka baro kiciyeen ilaa intii ay dhaafeyeen xuduudka Ethiopia.
Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Somalia hindisaha Midnimada anagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Somalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin riyadii beenowday ee 5tii Somaliyeed.
Wax kastoo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku dhalatay, gargaarka Eebbey ku dhisan tahay.
Haddaba walaalayaal midnimo hadhay oo 5 Somaliyeed soo noqon mayso ee yaynaan walaalnimada seegin, Somalida Djibouti waa Dawlad Ilahayna haw Barakeeyo Dawladnimadooda, Soomalida Kenya Dawladooda wax ha la qabsadaan Ilaahayna ha isu barakeeyo, Soomalida Ethopia Dawladooda wax ha la qaybsadaan Illahayna ha isu barakeeyo. Somaalilandna halkeeda Alle ha u barakeeyo, dhammaanteen walaalo iskaashada aan ahaano sida walaalaha carbeed.
Waxaynu dhidibada u taagnay qaran dimuqraadi ah, oo ku dhisan nidaamka axsaabta badan. Madax banaanida Garsoorka, Golayaasha sharci dejinta iyo xukuumada kaas oo ku salaysan mabadiida Caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadamaha, Maamul wanaaga, Horumarka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
Waxaynu dib-u-dhis iyo horumarin ku samaynay maamulka dawladnimo, amniga, difaaca qaranka iyo adeegyada bulshada.
Inaga oo ka bilownay wadama aynu jaarka nahay waxaynu aduunyada kula dhaqanay jaar wanaag, wax wada qabsi iyo in aynaan faro galin ku samayn arrimaha ugaarka ah dalalka kale.
Dhammaan talabooyinkaasi waxay ay dhabada u xaadhayaan inaynu ka midho dhalino qadiyada madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu ku talaabsanay inaynu usoo bandhigno beesha caalmka jiritaankeena, heerka aynu gaadhnay iyo sida ay inooga go’aan tahay hanashada madax banaanideenu.
Waxaynu ka badheedhnay, in aynaan cidna uga waaban in aynu tagno, kana qayb-galo gole kasta oo lagaga hadlayo arimaha Somaliland, talaabadaasi waxay inoo soo kordhisay:
- Inay qadiyadeenu gaadho fagarayeyal badan oo aanay hore u gaadhiin.
- Inay qadiyadeenu noqoto mid caalamku xog-ogaal intii hore ka badan u yahay maanta.
- Inay abuurmaan dalal badan oo danaynaya gogolna u fidiyay wada hadalada Somaliland iyo Somalia.
Waxaa kulamadaas ka dhashay kana soo baxay heshiisyo caalamku goob joog ka yahay oo summad u ah jiritaanka qaranka Somaliland.
- · Inaan faro-galin lagu samayn karin qaranimada JSL wax walbana lagu dhamaysto wada hadal iyo wada xaajood ku dhisan nabad gelyo iyo is ixtiraam.
- Waxaynu kasbanay daneeyayaal cusub oo maalgashi ka bilaabay dhulkeena.
Gudo iyo dibed, maanta arrimaheenu waxay galeen marxalad cusub oo aynu ku xaqiijinayno horumarka dalkeena iyo hanashada madax banaani buuxda oo aynu gaadhno, geed dheer iyo geed gaabanba waynu u fuuli, god kasta oo ay inala gashaba waynu ka saari doonaa Insha Allaahu.
Gabo-gabo
Nabad galyada, Midnimada ummada iyo difaaca qaranimadu waa aasaaska dawladnimada, waxaan salaan, bogaadin iyo mahad naq u soo jeedinaya Ciidmada kala duwan ee hadh iyo habeen utaagan illaalinta nabad gelyada iyo difaaca qaranimada dalka.
Waxaan taa mid la mid ah u soo jeedinayaa wax-garadka, madax-dhaqameedka, Culimada, Dhalinyarada haweenka iyo dhammaan muwaadiniinta ku garab taagan gudashada xilkooda.
Waxaan ugu baaqaya Shacabka reer Somaliland inay isu taagaan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda, inay dhexda u xidhaan una midoobaan ka difaaca gobanimadooda, cadawga gudaha iyo ka Dibeda.
Waxaan ugu baaqayaa inay dhawrtaan sharaftooda, gobanimadooda, dhaqankooda iyo diintooda, marxalad kasta oo ka hortimaadana ay kaga gudbaan wadajir iyo midnimo.
Waxaan balan qaadayaa inaan dalkayga iyo dadkayga ku hogaamiyo dariiqa horumarka, dhawrista xuquuqda, amniga, difaaca qaranka iyo qabyo tirka madax banaanida dalka Insha Allahu.
Waxa aan eebe inooga baryayaa in aynu ku gaadhno munaasibadan teeda kale nabad-gelyo, Horumar, Ictiraaf iyo Midnimo, in Illahay qaranka ka dhigo mid waara oo dadkiisu ku noolaado Gobonimo, Barwaaqo, Sharaf iyo Horumar.
Mahad Eebaa Leh, idina waad mahadsantihiin,,,
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com