|

Bigg Nass’. 18ka may, iyo heestiisi cusbayd ee ha la aqoonsado JSL

Bishan May, horaanteedii ayaa waxa uu hesaaga JSL ee ku magac dheer ‘Bigg Nass’ u qaaday dalkiisa hooyo ee JSL hees ku baaqaysa aqoonsiga JSL. Isaga oo heestan ku qaadaya afafka Ingiriisiga iyo Carabiga, ayaa ujeedadiisu tahay mid ah in ay ka wacyi galiso caalamka madaxbannaanida gooni-isutaaga JSL. Waxa kale oo la socda vidiyow-ga heestan, (Arji) ay Shirkadda ‘Bigg Nass Records’ u qortay Aqalka Cad ee Mareekanka (The White House). 

Waxaana shuruudiisu tahay Arjigan, in ay 100,000 oo qof saxeexaan Arjiga, si Madax Weynaha Mareykanka, Mr. Obama, toos loogu gudbiyo. Aqoonsiga JSL wuxuu ku xidhan yahay kolba xagga uu marayo wacyiga JSL laga qabo, ayuu yidhi ‘Bigg Nass’. Wacyiga laga qabo mantana waa mid 100% dhaama kii hore laakin waxaa ceeb ah haddii Guriga Cad ee Mareekanku kawaayo bulshada JSL 100 kaa kun ee saxeex iyada oo ay maanta qadiyadeenu qaan gaadhay, buu yidhi Fanaanku. 

Hadaba xaggan hoose kala socda habka aad uga qayb gali lahaydeen xamladdan ku magaca dheer “JSL Ha La Aqoonsado / Recognize Somaliland): 

Vidiyoga Heesta (Somaliland Hala Aqoonsado / Recognize Somaliland): http://www.youtube.com/watch?v=JkiAJbB6Va8

Arjiga loo qoray Guriga Cad ee Mareekanka. Fadlan saxiixaaga kadhiibo: http://wh.gov/zveg

Website Ka Bigg Nass, si aad ugala socotaan dhacdooyinkiisi ugu dambeeyay: www.biggnass.com

Facebook: https://www.facebook.com/Biggnass.records

Comments are closed