|

Amaanka Somaliland oo la Adkeeyay iyo Dhalin Burco lagu qabqabtay

Hargeysa May 18,2013(SDN)-Waxa la adkeeyay guud ahaan Amniga Somaliland oo maanta looga dabaal degayo sanad guuradii 22aad ee ka soo wareeggtay dib ula soo noqoshadii Xoriyada Somaliland.

Hawlgalo ay sameeyeen xalay ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa ay ku soo qabqabteen dhalin looga shakiyay in ay ku hawlanaayeen falal ka dhan ah amniga.

Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa qalabka sida ayaa lagu arkayay dhamaan wadooyinka waaweyn ee caasimada Hargeysa.

Sidoo kale ciidamada waxa la daadiyay gebi ahaanba wadooyinka waaweyn ee magaalooyinka Somaliland.

Soomaaliland ayaa maanta llooga dabaaldegayaa maliintii Burco looga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madaxbanaandii 1960kii ay Somaliland ka qaadatay England.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed