|

Wafdi Ka Socda IGAD oo lagu wado in ay gaaraan Magaalada Kismaayo G/hoose

Kismaayo May 18 2013 (SDN)–Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose halkaasi oo dhawaan looga dhawaaqay Maamule is diidan.

Sida la sheegay wafdigan ka socda IGAD ayaa ah mid xaqiiqo raadin ah oo ka mid ah waxyaabihii ka soo baxay Shirkii IGAD ee ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga IGAD ee la filayo in uu gaaro Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa waxaa hogaaminaya xogahayaha Guud ee IGAD Maxbuub kuwaasi oo la filayo in ay la kulmaan dhinacyada kala duwan ee Kismaayo ku dhaqan.

Wafdiga IGAD oo shalay Muqdisho kula kulamay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa laga sugayaa warbixin buuxda oo ay kula laabtaan shirka IGAD ee bishan dabayaaqadeeda ka dhici doona Magaalada Addis Ababa.

Kismaayo waxaa ku sugan Wafdi uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka kooban labada gole kuwaasi oo shalay sheegay in ay la kulmeen Odoyaasha iyo waxgaradka Magaaladaasi kuwaasi oo kala hadleen arrimaha Kismaayo.

Si Kastaba xaalada Kismaayo ayaa cakiran iyadoo ku dhawaad Afar Maamul oo iska soo horjeeda looga dhawaaqay Magaaladaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan Aqoonsaneyn Maamulada looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo, waxaana ay ka digtay in dagaallo ay ka dhacaan halkaasi.

SDN-Kismaayo

 

Comments are closed