Faah Faahin: In 70-ruux oo ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay dalka Ciraaq
Baghdad May 18 2013 (SDN)– Ugu yaraan 76-ruux ayaa ku dhintay weeraro Bombaano oo ka dhacay degmooyin ay ku badanyihiin dadka Suniyiinta ah oo kuyaalla Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Saraakiisha wadankaasi ayaa sheegay in qaraxyada lala eegtay Masaajido ku yaalla xaafadaha dadka Suniyiinta ah ay daganyihiin waxaana ay in taasi ku dareen in qaraxyadu ay ahaa yeen kuwo xoogan.
Masjidka Suniyiinta ee ku yaalla Bacquuba ayaa oo waqooyiga Baqdaad ah ayaa qarax ka dhacay waxaa ku dhintay 41-ruux iyadoona dad kale oo aad u badan ay ku dhawacmeen.
Waa qaraxyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Ciraaq muddo haatan laga joogo Sideed Bilood.
SDN-Baghdad