|

Haween Somaaliyeed oo lagu maxkamadeyay Maraykanka.

Minneapolis May 17, 2013(SDN)-Maxkamada maalmahaan dhagaysanaysay dacwado ka dhan ahaa muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaala Minneapolis Maraykanka ayaa xukuno adag ku riday 2 dumara oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhaqaalo ururin u sameeyeen Xarakadda Al-Shabab.

Labadaan Dumar ah oo laka yiraahdo Aamino Faarax Cali oo 36 sano jir ah iyo Xaawo Max’ed Xasan oo 66 sano jir ah ayaa lagu kala xukumay xabsiyo u dhaxeeya 10 illaa 20 sano oo xarig ah.

Maxkamada ayaa 20 sano oo xarig ah ku riday Aamino Faarax Cali kadib markii maxkamadu ay sheegtay inay ku heshay inay dhaqaalo badan oo ay ka ururirsay dadka Soomaalidah ee Maraykanka degen inayu durtay hogaamiyaasha Al-Shabab si ay dagaalka ay kula jiraan dawlada iyo AMISOM ugu adeegsadaan.

Sidoo kale maxkamada ayaa 10 sano oo xarig  ah ku riday Xaawo Max’ed xasan ooo ay sheegeen inay iyana door wanaagsan ka qaadatay dhaqaalo lagu taageeray Al-Shabab.

Dacwad oogayaasha waxaa ay ku eedeeyeen  dumarkaan Soomaalida ah inay muddo dheer ay dhaqaalo ururin u sameynayeen Al-Shabab.

Qareenadda u doodayay ayaa maxkamada ka hor sheegay inay been abuur yihiin dacwadaha haweenkaan lagu soo oogay isla markaana dhaqaalaha la sheegayo ay u ururiyeen caruur agoon ah iyo dad danyar ah oo Soomaaliya ku nool.

Maxkamadaan oo todobaadkaan dhawr ruux oo Soomaali oo loohaysto inay Shabab taageereen  ayaa sidoo kale wada dhagaysiga dacwado kale oo loo haysto 9 ruux oo kale oo Soomaali ah kuwaasoo maxkamadu sheegtay inay todobaadka soo socda ay go’aan ka gaari doonto..

Comments are closed