Dowladda oo amar ku bixisay wafdigii ay u dirtay Kismaayo in ay dib u soo laabtaan
Muqdisho May 17, 2013(SDN)-Wasiirka arimaha Gudaha iyo amaanka qaranka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Barta uu Tuwitarka ku leeyahay Ku Soo qoray Maal Mihii Dambe warar badan oo uu uga hadlayo arimaha Jahwareerka ka taagan Kismaayo ayaa waxaa uu soo dhigay Hadal sheegay in Dowladu ay amar ku siisay wafdigii ay kismayo u dirtay in ay Dib ugu soo laabtaan Magaalada muqdisho si Dowladu ay mar kale Go.aan uga Qaadato Xaalada Jubooyinka.
Mr Guuled ayaa yiri “Wafdigii Kismaayo loo diray iney dib u soo laabtaan,ayaan ku amarnay si dawladdu ay go’aan uga qaadato arrinta Kismaayo”.
Wafdigaasi aan u diray Kismayo ayaa noo sheegaya in kooxaha Kismaayo isku heysta ay kulan ka dalbadeen, balse howsha wafdiga maahan arrinkaas.Waxaan amar ku siinay in ay soo laabtaan” ayuu yiri cabdi kariin xuseen Guleed .
Wasiirka ayaa Bogiisa Tuwitarka warkaan uu soo dhigay waxaa uu uga hadlaydowlada Kenya gacanta ay ku yeelan karto Arimaha Kismaayo.