|

Rag hubeysan oo isku deyay in ay dhacaan Xarun Dahabshiil Muqdisho ku leeyahay iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho May 17,2013(SDN)-Xarunta Dahabshiil ee magaalada Muqdisho ayaa rag hubeysani isku deyeen in ay dhacaan,balse waxa iska caabiyay ilaalo halkaa ku sugneyd.

Sidaa waxa daabacday barta Internetka ee Gulf of Aden Security review oo dhacdadan wax ka qortay.

Warbixinta oo koobneyd ayaan faahfaahin in burcadu halkaa wax lacaga ay ka qaadatay iyo in kale.

Warbixintu waxa ay sheegtay in ilaalada Xaruta Dahabshiil ay toogasho ku dileen mid ka mida ragii hubeysnaa ee doonayay in ay dhacaan xarunta.

Warbixintu waxa kale oo lagu sheegay in shantii kale ee burcada ahaa in gacanta lagu dhigay.

Mid ka mida ciidamada dawlada oo ilaalada ka mid ahaa ayaa dhawaac uu ka soo gaaray weerarka.

Shirkada Dahahbshiil ayaan wax war ah ka soo saarin weerarkan lagu qaaday xaruntooda Muqdisho.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed