|

Milatari Nigeria oo bilaabay howlgal ka dhan ah Kooxda Boko Xaram

Kanu May 17 2013 (SDN)– Ciidamada Milatariga dalka Nigeria ayaa si rasmi ah u bilaabay howlgal balaaran oo ka dhan ah kooxda Boko Xaram kaasi oo ay ka fulinayaa Waqooyi Bari dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Nigeria ayaa sheegay in Milatari howlgalkan Fulinaya ay gaareen gobolka Borno halkaasi oo ay maalmihii danbe weeraro ka fulineyso kooxda Boko Xaram ee dowladda kasoo horjeeda.

Howlgalkan Ciidamada Milatariga Nigeria ay ka fulinayaa Waqooyi Bari dalka Nigeria ayaa waxa ay imaaneysaa maalmo ka hor markii Madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jones uu xaalad deg deg ah ku soo rogay sadex gobol oo kala ah Borno, Yobe iyo Adamawa.

SDN

Comments are closed