|

Shaqaalaha Somaliland oo la fasaxay Labada Cisho ee Dabaal dega 18 May

Lughaya 16.May (SDN)   Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada ee JSL Md maxamuud axmed Barre (Garaad)ayaa munaasabadda 18 ka may awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaale-weynaha Somaliland.

 War saxaafadeed uu wasiirku maanta xafiiskiisa ka soo saaray oo ay nuqul kamid ah heshay Shabakada Qurbejoog.com ayaa wasiiru waxa uu shaqaalaha somaliland ku wargeliyey inay dhaamntood fasax ka yihiin shaqooyinkooda maalmaha sabtida iyo axadda ee 18-ka iyo 19-ka bishan,

Dhanka kalena Md Gaaraad  ayaa shaqaalaha iyo loo shaqeeyahaba   u jeediyey inay fasax ka yihiin shaqooyinka sida uu jidaynayo xeerka shaqaalaha rayidka ah

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed