Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo wefdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo Dhaweeyay Australia(SAWIRO)
Melbourne May 16,2013(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Australia si ay reer Somaliland ugala qeyb galaan debaaldega sanad guurada 22naad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqashadii qaranimada Somaliland.
Guddoomiyaha waxaa si weyn halkaa ugu soo dhaweeyay madaxda iyo shacabka reer Somaliland ee isu diyaarinaya xaflada May 18,2013ka.