Faah Faahin ka soo baxeysa qaraxyo ka dhacy dalka Ciraaq
Baghdad May 16 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ugu yaraan 23-ruux ay ku geeriyoodeen weeraro qaraxyo is-xig-xigay oo ka dhacay degmooyin ay ku badanyihiin dadka Shiicada ah oo kuyaalla Magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq.
Ciidamada booliska ayaa sheegay in 11-qarax oo ay saacado u dhexeeyeen ay ka dhaceen Magaalada Baghdad, waxaan la sheegay in dad badan ay ku dhawacmeen qaraxyadaasi.
Warbaahinta Qaraax ayaa sidoo kale soo wariyay in weerar qarax ah oo ay sidoo kale ku dhinteen 10-ruux uu ka dhacay Magaalada Waqooyiga dalka Ciraaq ee Kirkuk.
Ciraaq ayaa waxaa ku sii kordhayay Rabshadaha diimaha la xiriira Todobaadyadii dhawaa taasi oo ay ugu wacantahay xiisada sii kordheysa ee ka dhaxeysa dowladda Shiicadu ay hogaamiso iyo Sunada Tirada yar.
In kabadan 700-Ciraaqiyiin ah oo isugu jira Suniyiin iyo Shiica ayaa la qiyaasayaa in ay ku geeriyoodeen dalka Ciraaq Bishii April oo kaliya kaddib Rabshado kadhacay halkaasi.